WAJAALE NEWS

Milatariga Mareykanka oo joojinaya kaalmo $300m ah oo uu siinayay Pakistan

Hargeysa (WJN)- Taliska Milatariga Mareykanka ayaa sheegay iney joojinayaan lacag dhan $300m (£230m) oo ay kaalmo ahaan u siin jireen Pakistan waxaana ay tallaabadaasu sababeeyeen in Pakistan ay ku guul darreysatay la tacaalidda kooxaha mintidiinta ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa hore dowladda Pakistan ugu dhaliilay ineysan u hogaansaneyn Mareykanka iyagoo ka hela balaayiin doolar.

Af hayeen u hadlay waaxda gaashaan dhigga Mareykanka ee Pentagon-ka oo lagu magacaabo Lt Col Koné Faulkner ayaa sheegay in Milatariga Mareykanka uu lacagahaas u adeegsan doono “howlo kale oo si deg deg ah mudnaanta loo siinayo”.

Tallaabadaan oo u baahan inuu ansixiyo golaha Congress-ka Mareykanka ayaa qeyb ka ah arrimo la sii ballan qaaday bishii Janewaray.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington ayaa ku dhaliishay dowladda Pakistan, oo ka mid ah xulafada waaweyn ee Mareykanka, in ay ku guul darreysatay wax ka qabashada kooxaha xag jirka ah ee dhaqdhaqaaqyada ka sameeya dhulkeeda.

Waxaa ururrada hubeysan ee Pakistan lagu eedeynayo iney u caal weysay ka mid ah kooxda Xaqaani iyo kooxda Daaliban ee saldhiga ku leh Afqaanistan.

“Waxaan sii wadi doonnaa cadaadiska aan Pakistan ku saareyno iney si aan kala sooc lahayn ula tacaasho kooxaha argagaixisada ah,” ayuu yidhi Col Faulkner oo war qoraal ah soo saaray maalintii Sabtida, wuxuuna intaas ku daray in dhaqaalaha lacageed ee dhan $300m oo markii hore la hakiyay hadda loo adeegsan doono meelo kale.

Dhawaqan ayaa ku soo aaday maalmo ka hor xilli la filayo in xog hayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo uu booqasho ku tago dalka Pakistan, si uu ula kulmo raysul wasaaraha cusub ee waddankaas Imran Khan.

Bishii janewaray ayay dowladda Mareykanka shaacisay in ay joojineyso guud ahan kaalmadii milatari ee ay siin jirtay dalkaas.

Washington ayaa ku dhaliilsan Islamabad iney garab siiso qeybo ka mid ah xoogagga ka dagaallama Afqaanistan.

Waa kuwee kooxaha mintidiinta ah ee Pakistan lagu eedeynayo iney taageerto?

Kooxda Xaqaani ayaa inta badan dhaqdhaqaaqyadeeda diiradda ku saarta dalka dariska la ah ee Afqaanistaan, oo sannado badan ka cabanayay in Pakistan ay kooxdaas u oggolaato iney ka howl gasho dalkeeda.

Ururkaan hubeysan ayaa xidhiidh toos ah la leh Daalibaanka Afqaanistaan oo ah koox halis ku ah dowladda Afqaanistaan.

Dhanka kale Daalibaanka Afqaanistaan oo kaashanaya Daalibaanka Pakistan ayaa weerarro ka fuliya gudaha Pakistan.

Labada koox ee Daalibaan iyo Xaqaani ayaa gudaha Afqaanistaan ka geystay weeraro lagu dilay ciidamo Mareykan ah, waxaana saraakiisha dowladda Mareykanka ay in badan ku doodayeen in sirdoonka Pakistan ay hoy siiyaan kooxahaas.

Waa maxay sababta ay Pakistan taageero u siin karto kooxahaas?

Pakistan waxaa muddo dheer lagu cambaareynayay iney kooxda Daalibaan u adeegsato sidii ay u sii kordhin lahayd danaha siyaasadeed ee ay ka leedahay dalkaas.

Sirdoonka Pakistan oo magacooda loo soo gaabiyo ISI ayaa markii ugu horreysay kooxdaas u sameeyay kaalmo iyo tababarro ka dib markii midowgii Soviet uu dalka Afqaanistaan fara galinta ku sameeyay sannadkii 1979-kii.

In kastoo tan iyo sannadkii 2001-dii ay Pakistan ogoleyd in dhulkeeda laga qaado weerarada ay reer galbeedka ka geysanayeen gudaha Afqaanistaan ayna kala qeyb qaadaneysay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Qaacida, hadana dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in ay wali taageero siiso kooxahaas.

Ujeeddadeeda ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay u xaddidi lahayd saameynta ay Afqaanistaan ku yeelan karaan dalka ay sida weyn isugu hayaan gonbolka ee Hindiya.

 

Source: BBC Somali

 

Exit mobile version