WAJAALE NEWS

Masiibada El Nino oo Laga Cabsi Qabo in Markale ay Dunida Ku Dhufato

Hargeysa (WJN)- Hay’adda saadaasha hawada adduunka ee WMO ayaa sheegtay in 70% ay u badantahay iney masiibada El Niño ay ku dhufato dunida, ka hor inta aanu dhammaanin sannadkaan.

Masiibadii El Niño ee ugu dambeysay waxay dhacday sanadkii 2015-16 waxayna saameyn ballaadhan ku yeelatay cimilada adduunka oo idil.

Hase ahaatee , khubarada cilmi baadheyaasha ah ayaa sheegay ineysan rajeyneynin in nooca El Niño ee hadda la filayo ay u awood badnaan doonto sida tii dhacday 2015-16.

Saraakiisha hay’adda WMO ayaa laga soo xigtay in isbaddalka cimilda adduunka ay saameyn ku yeelaneyso dabeecadihii ay lahaan jireen musiibooyinka dabiiciga ah.

El Niño oo sidoo kale loo yaqaanno Southern Oscillation ayaa ah dhacdo dabiici ah oo sababta in heer kulka sagxadda hoose ee badweynta Pacific uuna si qeyrul caadi ah marna kor ugu kaco marna hoos ugu dhaco, taasoo saameyn ku yeelata hannaanka cimilada ee guud ahaan dunida.

Sannadkii 2015-16, El Niño dhacday waxay ahayd tii ugu xoogga badneyd ee abid soo marta adduunka, waxayna isbaddal ku sameysay heer kulka guud ee caalamka, iyadoo sannadkii 2016-ka ka dhigtay kii ugu diirranaa ee taariikhda lagu diiwaan galiyo.

Kuleylka ka dhashay musiibadaas ayaa sidoo kale abaaro ka dhaliyay qaaradda Africa, iyadoo ay raashin yaraan ku dhacday dalal badan oo ku yaalla qaaradda.

Waxay fatahaado ka abuurmay saameynta El Niño ku soo rogmadeen dalalka ku yaalla Koonfurta qaaradda America ee Brazil, Argentina, Paraguay iyo Uruguay.

Sannadkaan ayaa ku billowday cimilo toos uga soo hor jeedda El Niño, taasoo lagu magacaabay La Niña.

Waxaa jirtay cimilo ka qabow sida caadiga ah oo ka jirtay sagxadda badweynta Pacific.

Arrintaas ayaase hadda dhanka kale isku baddashay, sida ay qabto hay’adda saadaasha hawada adduunka ee WMO, taasoo aaminsan in 70% ay dhici karto El Niño inta aan laga gudbin sannadkan.

Balse waxaa la filayaa in saameyntu ay ka yaraato tii dhacday sannadkii 2015-16.

“Hay’adda WMO ma rajeyneyso culeys la eg kii ka dhashay El Niño-dii awoodda badneyd ee dhacday 2015-2016, laakiin wali waxaan fileynaa saameyn la taaban karo,” ayuu yidhi xoghayaha guud ee WMO Petteri Taalas.

Saameynta isbaddalka cimilada

Markii ugu horreysay abid, hay’adda WMO ayaa macluumaadka ku saabsan El Niño ku soo dartay macluumaadka heerka cimilada ee bilaha September-November.

Hay’addan ayaa sheegtay in heer kul ka sarreeya sida caadiga ah laga saadaaliyay inta badan dalalka Aasiya ee ku teedsan badweynta Pacific, Europe, Waqooyiga America iyo qeybo badan oo ka mid ah dalalka xeebaha leh ee Koonfurta America.

In kastoo El Niño la filan jiray shantii sano ama toddobadii sanoba mar ayaa haddana tani waxay noqoneysaa mid foodda ku heysa tii u dambeysay, waxaana WMO ay hoosta ka xariiqday suurta galnimada in arrintaas uu sababayo isbaddalka cimilada ee caalamka.

“isbaddalka cimilada wuxuu saameyn ku leeyahay hannaanka dabeecad ee El Niño iyo La Niña iyo waliba awooddooda,” ayuu yidhi Petteri Taalas.

Warbixin taas ka duwan oo ay soo saartay hay’adda saadaasha hawada ee dalka Japan ayaa lagu sheegay in 60% uu adduunka halis ugu jiro musiibada El Niño, taasoo la filayo laga billaabo bisha September ilaa bisha November.

Exit mobile version