INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu tahay 12/09/2018, Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka oo uu ka mid ahaa dadkii wakhtiga geliyey midnimada iyo wada jirka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ay ku nool yihiin.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL