Jig Jiga (WJN) – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar ayaa waxaa uu sheegay in xukuumadiisu ay u qorsheysan tahay inay soo celiso dhul ay sheegtay in si sharci daro ah loo qaatay.
Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar ayaa sheegay in ay hayaan xogta ku saabsan dhul iyo hanti badan oo ay boobeen dad aan Soomaali aheyn oo u badan saraakiil ciidan, si dhakhso ahna ay talaabo uga qaadi doonaan islamarkaana ula wareegi doonaan hantidaasi shacabka laga boobay.
Dadka arrimaha siyaasadda falanqeeya ayaa waxaa ay sheegeen dhulalka ay qaateen saraakiisha ciidanka inay ahaayeen kuwa iyaga lagu naas nuujinayay, maadaama iyaga ay udub dhexaad u ahaayeen dowladdii hore.
Shacabka dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan talaabada uu qaaday madaxweyne Mustafa Cagjar, waxayna ay tilmaameen inay dib u soo laabaneyso cadaaladda oo ay sheegeen inay hore u luntay.
Xukuumadda cusub ee Soomaalida ayaa marka ay xilka qabatay isbedel ku sameysay waxyaabo badan oo xukuumadii ka horeysay la timid, loona arkayay inay aad ugu muujineysay Itoobiyaanimada dadka Soomaalida ee gobolkaaasi degan.
WAJAALENEWS.NET
JIG JIGA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM