Berbera (WJN)- Maareeyihii hore ee Haamaha Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa waxa uu beeniyay in uu wax dayn ah wareejiyay xiligii uu Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera ku wareejinayay Shirkadihii bareefadka ahaa ee sadexda sano gacanta ku hayay Haamaha.
Dhanka kale Sheekh Saleebaan Siciid Cali ayaa waxa uu eedo culus u jeediyay Shirkadihii gacanta ku hayay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, Isagoo ku eedeeyay in aanay waxba ka qabanin intii ay gacanta ku hayeen Haamaha.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/rM25ySyvh7w