WAJAALE NEWS

Korneylka Firxadka Ku Jira Ee Caarre oo Ku Hanjabey Inuu Jawaab Ka Bixin Doono Dagaalkii Lagu Qaaday Maleeshiyaadkiisa

Qardho (WJN)- Korynayl  Caarre oo firxad ku jooga magaalada Qardho ee maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa uu si adag uga hadley dagaal dhawaan buuraleyda gobalka Sanaag ku dhex maray ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadkiisa firxadka ku jira, waxaana uu ku hanjabey inuu jawaab ka bixin doono dagaalkaas ay ku bilaabeen ciidamada qaranka Somaliland.

Kornaylka firxadka ku jira ee Caarre ayaa ku hanjabey in wadooyinka la mari waayo isla markaana la bilili qeysan doono baabuurta dawlada isla markaana la bar tilmaameesan doono masuulyiinta xilalka ka haya xukuumada Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale Korneylka dibad wareega ah ee Caarre ayaa waxaa uu fariin u soo diray Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana uu sheegay in dagaal si fudud loo bilaabi karo balse aan si fudud loojoojin Karin.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/F6qV-THcuwI

Exit mobile version