WAJAALE NEWS

Horumarka Isgaadhsiinta Somaliland Iyo Hanyaraanta Xukuumadihii U kala Dambeeyey Jsl.

Somaliland Waxa lagu sheegaa dalalka isgaadhsiinta casriga ah afrika ugu horeeya, isgaadhsiintuna ay tahay wax hadda ku soo biiray daruuriyaadka nolosha Aadamaha.

Isgaadhsiinta oo hadda noocyo badan leh ayaa jirta oo ay ka mid yihiin telefoonka, internet ka , boosaha iyo waxii kale ee la mid ah.

Haddaba waxa ayaan darro inagu ah, in wasaarada boosaha, isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadu ay tahay wasaaradaha ugu saameynta yar iyada oo shaqadeediina tahay kuwa ugu badan ee dalka ka shaqeeya.

Waxa aynu kari laanahay in shirkadaha isgarabyaacaya ee telefoonadu ay wada hadlaan oo qofwaliba kuu doono ha haysto e ka kale la hadli karo.

Waxa aynu samaysan kari laanahay in wasaaradu noqoto halka isgaadhsiinta dalka oo dhan kulmisa sharci ahaan iyo qalab ahaanba.

Shirkadaha isgaadhsiintu waxa ay sameeyeen horumar iyo shaqo abuur badan oo dhalinyarada reer Somaliland ay shaqooyin badan u abuureen iyo maalgashi xoogan oo ay dalka galiyeen.

Haseyeeshee intaasiba may suuragasheen hadaan dawladnimo jirin oo aan nabadgalyo jirin, ilaahay baa mahad leh e, waxa kale oo iyaduna jirta in aan cashuurihii rasmiga ahaa ee heerkooda ahaa aan wali laga qaadin

Dhinaca kale waxa ay curyaamiyeen wasaradii ku shaqada lahayd isgaadhsiinta, xoogeysiga dhaqaale iyo qalab ee ay yeesheen awgeed ayaa daciifisay nidaamkii loola xisaabtami lahaa laguna maamuli lahaa.

Ganacsigeena ka hor awoodeystay dawladnimadu dhamaantii waxa uu keenay in dawladnimada adeegeedii iyo awaamiirteedii daciifaan oo ay aanay bulshada saameyn badan ku yeelan.

Waxaasi oo dhan way hagaagayaan marka la helo dawlad kasbata kalsoonida dadka oo ay dadka reer Somaliland oo isku duubani u arkaan in ay danahooga oo kaliya ku hawlan tahay.

Dadkeenu waa dad wanaagsan, dadkuna mawada taliyaane hadii ay arkaan inta ilaahay talada ugu dhiibay oo wado wanaagsan wax ku wada 99% way ku garab istaagayaan waanay ku caawinayaan.

Aragtidayda gaaban

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

Exit mobile version