WAJAALE NEWS

Hay’adda NRC oo Sheegtay in ay Xidheyso Barnaamijyo Gargaar oo ay Fulin Jirtay

Hargeysa (WJN)- Hay’adda gargaarka caalamiga ah ee fadhigeedu yahay dalka Norway ee NRC loo soo gaabiyo ayaa ku dhawaaqday in ay xidheyso barnaamijyadii ay ka fulin jirtay wadamada bariga Afrika.

Hay’adda ayaa sabab uga dhigtay tallabadani ka dib markii dowladaha reer galbeedka ay jarteen lacagihii ay hay’daha gargaarka siin jireen.

Hay’adda ayaa sheegtay in hay’adda ay xidheyso barnaamijyadii ay ka waday dalalka Tanzaniya,Kenya iyo Uganda.

Bayaan ay hay’adani NRC soo saartay ayaa lagu sheegay in jaridda dhaqaalahani ay ku soo beegmayso xilli dalalka Yurub iyo Mareykanka ay dalalkooda u diidayaan in ay galaan dadka soo galootiga ah.

Dhanka kale dalalka Euroupe iyo Mareykanka ayaa diiday in ay qaataan dad soo galooti ah waxa ayna hoos u dhigeen lacagihii lagu taageeri jiray dadka qaxootiga ah.

Wadamada bari Afrika ayaa marti galiya ku dhawaad 2 milyan oo qaxooti ah oo intooda badan ay dagaalo ka soo qaxeen.

Qaar ka mid ah qaxootigaasi ayaa waxa ay ku jiraan xerada qaxootiga ee Dadab, waana qaxooti intooda badan ka soo qaxay dalka Soomaaliya.

Exit mobile version