WAJAALE NEWS

Fanaanadda Rihaanna oo loo magacaabay danjire

NEW YORK, NY - SEPTEMBER 13: Rihanna speaks onstage during Rihanna's 4th Annual Diamond Ball benefitting The Clara Lionel Foundation at Cipriani Wall Street on September 13, 2018 in New York City. (Photo by Dimitrios Kambouris/Getty Images for Diamond Ball)

Rihaana oo ah heesaa caan ah ayaa sheegtay in “aysan jirin wax uga farxad badan” jagada cusub ee safiirnimada ay u magacaabay dowladda Barbados.

fanaanaddan oo macagaceedoo dhamaystiran la yidhahdo Robyn Rihanna Fenty, ayaa maalintii khamiista ahayd loo magacaabay jaga sare oo safiirnimo ah.

Shaqadeeda waxaa ka mid ah, hormarinta wax barashada, dalxiiska iyo maalgashiga.

Ra’sal-wasaare Mia Amor Mottley ayaa sheegay in lagu maamuusay jagadaasi.

“Rihanna waxay aad ugu weyn jacaylka waddankan, jagadaan loo magacaabayna waxay shabehaysaa bini’aadanimadeda gaar ahaan caafimaadka iyo wax barashada” ayuu yidhi.

“Waxa ay sidoo kale arrintani muujinaysaa sida wadanimada ah ay ugu abaal gudeeyso waddankan,” sidaasi ra’isal-wasaaraha ayaa war bixin ku sheegay.

Dhanka kale waxay ku guuleeystay in ay noqoto qof caan ah oo ganacsiga ku xeeldheer, sidaas darteed waxay awood u leedahay in ay door weyn ka cayaarto isbedelka waddanka Barbados.

Rihanna waxay ka mid tahay fanaaniinta heesohooda aadka loo iibsado, oo waxa laga iibsaday ilaa 250 milyan. Waxa ay sidoo kale ku caan baxday jilidda filimaanta iyo naqshadeynta dharka.

Rihaana Waxa ay ku dhalatay magaalada Saint Michael ee dalka Barbados, waxa ayna ku kortay magaala madaxda dalka ee Bridgetown

Waxa ay halkaasi ku qaadatay wakhtiyadeedii da’yarta markii uu soo saare ameerikaan ah ogaanayay hay’badeeda heesaanimada, kaas oo ka caawiyay in ay ku soo biirto shaxda Mareykanka.

Sanadkii hore ayay ahayd markii waddo ay ku nooleed loo bixiyay Rihanna oo lagu sharfay.

Warbixin ay soo saartay ayay ku sheegtay in jagadeedan cusub ay aad ugu faraxsan tahay.

“Qofkasta oo u dhashay dalka Barbados waa in uu dowrkiisa ka cayaaraa dadaalka haatan ka socda dalka, anigana waxaan diyaar u ahay oo aan ku faraxsanahay in aan qaado ma’suuliyadda laigu sharfay. Waxaana haatan wixii ka danbeeya aan ku dadaalayaa sidii aan ula shaqeyn lahaa ra’isal wasaare Mottley iyo koosdiisa doonaya in ay dib boodhka uga jafaan Barbados.”

Exit mobile version