WAJAALE NEWS

Dad Loo Maxkamadeeyay Isku Dayga Dilkii Ra”iisal Wasaaraha Itoobiya

Addis Ababa (WJN)- Dacwad oogeyaasha dalka Itoobiya ayaa maxkamad soo taagay shan qof oo lagu tuhunsanyahay argagixisannimo, iyagoo loo heysto iney isku dayeen dilka Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ka dib markii bishii June ay bam gacmeed ku tureen fagaare uu ku sugnaa.

Weerarkaas oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa , ayaa lagu dilay laba ruux, halka in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen, balse waxyeello kama soo gaadhin Ra”iisal wasaare Abiy Ahmed, Sidoo kalena eedeysaneyaasha ayaan ilaa haatan hadlin.

Tan iyo markii uu xilka qabtay bishii Abriil, Abiy Ahmed ayaa soo bandhigayay isbadallo xidhiidh ah oo isugu jira dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo dublomaasiyadda, kuwaasoo si weyn loo soo dhaweeyay.

Bambada ayaa 23-kii bishii June lagu tuuray fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis Ababa, xilli ay tobannaan kun oo qof oo taageera u ah Abiy Axmed ay ku sugnaayeen fagaaraha si khudbaddiisa ay u dhageystaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa si deg deg ah goobtaas looga kaxeeyay, ka dib markii uu qaraxa dhacay, Xilligaas waxa uu weerarkaas ku tilmaamay “isku day lagu guul darreystay oo ay sameeyeen xoogag aan dooneyn iney Itoobiya midowdo”.

Shanta qof ee la tuhunsanyahay – oo lagu kala magacaabo Getu Girma, Birhanu Jafar, Tilahun Getachew, Bahiru Tollosa, iyo Desalegn Teafaye – ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqday walwal aad u xooggan xilligii ay maxkamadda ka soo hor muuqanayeen,.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in dadkan la tuhunsanyahay ayna aaminsaneyn in Abiy Ahmed uu badbaadin karo danaha qoomiyadda ugu tirada badan dalkaas ee Oromada.

Waxaa dacwad oogeyaasha laga soo xigtay in eedeysaneyaasha la maxkamadeynayo ay doonayeen in ururkii mar la mamnuucay ee oromada(OLF) loo oggolaado iney dib u billaabaan hogaaminta dalka.

 

Exit mobile version