WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah: Ambasador Baashe Cawil oo Ka Dareen Celiyay Bedelka Uu Ku Sameeyay Madaxweynuhu iyo Sida Uu Arko Xilka Cusub Ee Loo Dhiibay

Hargeysa (WJN)- Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Ambasador Baashe Cawil Xaaji Cumar oo maanta  Madaxweynaha Somaliland u bedelay Safaarada dalka Kenya ayaa waxa uu ka hadlay xilka cusub ee loo magacaabay ee Safiirka Kenya.

Ambasador Baashe Cawil oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga ayaa u dhignaa sidan.”Mahad-naq Iyo Maalmo Kale Oo Aynu Qaranka Ugu Addeegno Hal-Abuurid, Iyo Hirgalinta Hiigsiga Somaliland Ay Leedahay.

Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadnaqayaa wada shaqayntii iyo garab- galkii aad safaaradda Somaliland ee Imaaraadka ka siisay xoojinta Xidhiidhka Ganacsi, Amni Iyo dhaqaale ee aynu la lahayn dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaan si gaar ah ugu mahad-naqayaa dhammaan Shaqaalihii Safaarada sidii dadaalka Iyo daacadnimada lahayd ee aad ugudan jiray shaqada aad qaranka uhaysaan, waxaan sidoo kale umahadnaqayaa dhammaan madaxda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sida gobonimada leh ee ay Somaliland u garab joogaan xaalad adag iyo mid fudud ba.

Ugu dambayntii waxaan Aqbalay Madaxweyne xilka Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Kenya ee aad ii magacawday”.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

https://youtu.be/5JwR_sOhShM

Exit mobile version