WAJAALE NEWS

Raysal Wasaare Abiy Axmed Oo La filayo In Uu Maalinta Bari Ah La Kulmo Madaxwaymaha Cusub Cusub Ee DDSI Iyo Madaxda Xisbiga.

“Xiisadaha Iyo Colaadaha Jiraa Waxay Noqon Doonaan kuwo Lagu Xaliyo Qorshayaasha  Uu Ku Hawl Gali Doono Xisbiga Iyo  Madaxweynaha Cusub”,Xildhibaan Khadar

ADIS,ABABA(W,N) Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa la filaya in uu maalinta bari ah kulan balaadhan la yeesho maamulka cusub iyo wax garadka ka soo jeeda deegaanka soomaalida.

Xildhibaan Khadar Abdi Ismaaciil oo ka tirsan xisbiga haya talada dawlad deegaanka soomaalida ayaa sheegay in kulankaasi uu ka dhici doono magaalada Addis Ababa waxaanu yidhi “Guud ahaan nidaamka cusub ee la dhisay ee madaxweynuhu hogaaminayo iyo dad lagu qiyaasayo laba kun oo ruux ayuu raysal wasaaraha Itoobiya bari la kulmayaa, waxaanu sii doonaa warbixin ku saabsan mustaqbalka deegaanka iyo ka dalkaba.”ayuu yidhi xildhibaan Khadar oo u waramay Idaacad VOA.

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay wakhtiga ay noqonayaan madaxweynaha cusub iyo xubnaha xisbiga ee Addis Ababa ku sugani waxaanu yidhi “Bari wixii ka dambeeya waxa loo diyaar garoobayaa sidii loo noqon lahaa isla markaana loo sii hir gelin lahaa qorshayaasha ka soo baxay shirarkii xisbiga”

Xildhibaan Khadar oo ka hadlayay  qorshaha uga yaala colaadii ka dhalatay isbadalada ka dhacay wakhtigii kala guurka waxaanu yidhi “Xiisadaha iyo colaadaha jiraa waxay noqon doonaan kuwo lagu xaliyo qorshayaasha cusub ee uu ku hawl gali doono xisbiga iyo  madaxweynaha cusub, qaar wax laga qabtayna way jiraan wixii dhimana waxa la rajaynayaa in madaxweynaha cusub uu dhamaystiro, rajo fiican iyo mustaqbal fiican ayaa jira, waxaanay bulshadu aaminsan tahay in madaxweynahan la doortay ee dada yar oo ah nin wax bartay oo aqoonyahan ah uu kor u sii qaadi doono halka ay taagan tahay rajada deegaanku”

 

WAJAALENEWS DESK

XAFIISKA MAGAALADA DDSI EE TOG WAJAALE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version