Jigjiga (WJN)- Warraka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Mustafa Muxumed Cumar loo doortay madaxweyanaha cusub ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya.
Kulamo u socday xubnaha golaha fullinta ee dowlada deegaanka soomaalida ee Itoobiya ayay Mustafa Muxumed Cumar u doorteen inuu noqdo madaxweyanaha kumeel gaadhka ah ee u yeelanayo maamulkaasi.
Dhawaan ayay ahayd markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaasna lasoo magacaabay Axmed Cabdi Maxamed.