WAJAALE NEWS

Magaalo Alaska ku taala ayaa dib u biloowday isticmaalka teebka

TEEBHargaysa(WJN):-Waxaa laga yaabaa in xafiisyada adduunka aad ka weyso qalabka teebka oo mar ahaa kan ugu casrisan ee adduunka ka jira, tanina waxaa ugu wacan horumarka uu adduunka ka sameeyay xagga tiknoolajiga iyo casriga cusub.

Hase yeeshee horumar kasta waxa uu leeyahay dhibaatadiisa iyo dib u dhiciisa.

Dowlaha adduunka ayaa u maaro la’ weerarada xagga internetka, kuwaas oo lagu jabsado xogaha iyo xitaa bangiyada.

Magaalo yar oo ku taala gobolka Alaska ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Matanuska-Susitna ayaa la jabsaday habkii kumbuyuutaraadka ay ku shaqaynaysay, kaas oo loo adeegsaday Fayris (virus) lagu magacaabo ransomware.

Markii kumbuyuutaraadkii ay fariisteen, ayay shaqaalihii dowladda ee magaalada waxa ay dib boorka uga jafeen teebabkii lagu shaqayn jirey 20 sano ka hor, kuwaas oo qaarkood bakhaaro ku daxalaystay, waxayna bilaabeeyn in ay teeb garaacaan waraaqihii dowladda.

Fayriskan ransomware ayaa ah mid dhibaato badan, kaas oo dadka uu saameeyo ka codsada in ay lacag rakaato ah bixiyaan si wax kasta caadigoodii loogu soo celiyo.

Waxa uu fariisiiyay illaa 500 oo kumbuyuutar oo xafiisyada dowladda ku shaqaynayeen.

Kaliya ma ahan kumbuyuutaraadka ee waxaa sidoo kale la jabsaday qadkii taleefoonada iyo nidaamka elektaroonika ah ee albaabada lagu furto sida uu sheegay agaasimaha aaladaha Eric Wyatt.

“Nidaamkii xiriirka isgaarsiineed ee emailada ayaa u muuqda kuwa aanan xitaa lasoo celin karin” ayuu yiri Eric oo sidoo kale sheegay in laga shaqaynayo sidii loo caadiyayn lahaa xaaladda.

Exit mobile version