WAJAALE NEWS

Madaxa Shirkada DP World oo Sheegay In Aanay Jirin Sabab Ay Soomaaliya Ugala Hadlaan Heshiiska Dekeda Berbera Ee Ay Somaliland La Galeen

Berbera (WJN)- Guddoomiyaha shirkadda DP World, Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa waxa uu shaaciyey in ay  nidaam  sharci ah u mareen heshiiska maalgashi ee ay ku ballaadhinayaan dekedda magaalada Berbera.

Guddoomiyaha Shirkadda DP World, wuxuu sidaas ku sheegay mar uu waraysi siiyay telefishanka Maraykanka ee CNBC oo  waxaanu shaaciyey in aanay jirin sabab  heshiiska ay la galeen Somaliland ula doontaan Soomaaliya, maadaama oo ay dekedda Berbera ay ku taalo Somaliland.

Dhanka kale Sultan Ahmed Bin Sulayem, wuxuu caddeeyey in Somaliland iyo Soomaaliya ay hore  isku raaceen inaan la siyaasadaynin arrimaha dhaqaalaha, Guddoomiyaha Shirkadda DP World  wuxuu intaas ku daray  inay heshiiska ay kala saxeexdeen Somaliland ahaa mid sharci ah.

Dawladda Somaliland iyo shirkadda DP World  ayaa heshiis lagu casriyeynayo dekedda Berbera kala saxeexday Bishii May sannadkii 2016kii.

 

Exit mobile version