Laascaanood (WJN)– Dawlada hoose ee degmada Laascaanood ayaa waxa ay bilawday hawlgalo ay ku bamaynayso qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada, iyadoo la baabiyey dhismayaal ku-meel-gaadh ah iyo seesas la sheegay in ay si qaldan u dhismeen.
Agaasimaha waaxda dhulka dawlada hoose ee degmada Laascaanood C/shiid Askar Jaamac ayaa waxaa uu sheegay in talaabadan ay ahaan doonto mid sii soconaysa laguna banaynayo wadooyin badan oo haatan in ay xidhmaan ku socda.
“Waxaa wadooyinkan xidhay musqulo banaanka laga qoday, berkedo biyood iyo dhagxaan hadhaagii dhismayaal ka hadhay u badan”. Waxaana uu intaa ku daray in ay in ay jiraan dad si sharci daro ah ugu durka kuwaana in laga duminayo.
Agaasimuhu waxa uu sheegay in ay jiraan olole bilicda magaalada Laascaanood lagu hagaajinayo oo ay ka mid tahay dhirayn iyo wadooyin laami laga dhigayo.
Dawlada Hoose ee degmada Laascaanood ayaa hore u sheegtay inay wadooyin celcelis ahaan 16Km. gaadhaya ay sanadkan u qorshaysan tahay inay sameeyaan, taas oo wax weyn ka bedelaysa bilicda magaalada iyadoo horeyna sanadihii 2014-2015kii wadooyin badan laga fuliyey.