WAJAALE NEWS

Dooni Ku Qarqantay Suudaan oo Ay Ku Dhinteen 22 Caruur Ah

Hargeysa (WJN)- Ugu yaraan 22 caruur ah iyo macalinkoodii ayaa ku geeriyooday dooni la qalibmatay iyagoo ku sii jeeda Iskuulka, kadib markii doontii ay saaraanaayeen ay ku degtay waqooyiga dalka Suudaan.

In kabadan 40 caruur ayaa saarnaa doonta, taas oo matoorkeedu u adkeeysan waayay mowjadaha hirka oo aad u kacsanaa owgeed. Hirka ayaa gaadhay ilaa 2.5 oo kilomitir.

Caruurta oo ay da’doodu u dhaxeeysay toddobo ilaa 16 sano jir, ayaa bilaabay in aad u baqdaan markii uu mowjadda hirka aad u kacday waxayna isugu tageen hal dhinac kadibna doonta sidaasi ayay ku gadoontay, sidaasi waxaa BBC-da u sheegay maamulaha Iskoolkooda.

Ilaa iyo haatan lama helin meeydadka caruurta.

Ab el-Khayr Adam Yunis oo ah maamulaha dugsida sare ee Kenba ayaa sheegay in caruurta ay inta abdan Iskoolka lug ku iman jireen, balse ay toddobaadkii la soo dhaafay ay isticmaalayeen doonta sabatoo ah waxaa magaalada ka jiray daadad ay sababbeen roobab laxaad leh oo halkaasi ka da’ay.

“Inta badan caruurta dhimatay waxa ay ahaayen gabdho,” ayuu intaasi ku sii daray maamulaha.

Hal qoys oo kaliya ayay waxaa ka dhimatay shan gabdhood, halka Saddex qoys oo kalana uu qoys kasta dhacdadaasi ku waayay 2 caruur ah.

Waxaa kaloo jira laba qoys oo kale oo midkiiba ka dimatay 3 caruur ah.

Khadka telefoonka ayaa aad u xumaa sabatoo ah waxaa da’ayay roob mihiigaan ah taasi oo maamulaha ku adakaysay in uu dhakhso u soo sheego shilka.

Isla markii ay khadka teleefoonada ay furmeen waxa ay la xidhiidheen dhamaan magaalooyinka waweyn, sida Abu Hamad, Karima iyo Ed-Damer balse waxa ay cawinaad sugayeen muddo shan saacadood ah.

 

Exit mobile version