“Wuxuu Taagnaa Goobta Tareenka laga raaco sidii qof caadi ah, waxaa la socday dhowr qof oo xisbigiisa ah, mid ka mid ah ayaan hoos u waydiiyay ninkan maanu Stefan Löfven ahayn Raisal wasaarihii wadanka Sweden?… Isagaa igu yidhi haa waan ahay, oo tareenka ayaan Stockholm u raacaynaa. Aniguna sidoo kale tareenka ayaan Stockholm u raacayaa ayaan ugu jawaabay, anigo markaas yara maqan oo ka fakaraya madaxdii qaaradii aan ka soo jeeday iyo habdhaqankii markay socdaalayaan…
Gabadh la socotay ayaa ku tidhi waxaynu raacaynaa qaybta koowaad ee tareenka ee xagaa hore aynu sii istaagno, anigana Ticketkayga waxaa iigu qoran inaan qaybta koowaad ee tareenka kursiga 47aad aan fadhiisanayo, tareenkiibaa soo istaagay, nasiib daro dhinacii ay u dhaqaaqeen maahee xagii kale ayay tareenka qaybtiisa koowaad ku taalay, aniguna dib ayaan ugu soo noqday oo tagay qaybta koowaad, isaga iyo kooxdiisii waxay galeen qaybtii labaad.
Waxaan is waydiiyay sababta ay tareenka ugu socdaalayeen, iyo buuq yaraanta intaas leeg. meeshaa uu ka raacaay tareenka, may jirin saxmad iyo cid ogaydba inuu halkan jooga hogaamiyihii wadankan oo dhan. Mid ka mid ah kooxdii la socotay ayaan waydiiyay in bal qoloda tareenki ka warqabto in Raisal wasaarihii wadanku raacayo tareenkiisa? U malayn maayo ayuu si kooban iigu yidhi.
Qalinkii Ibraahim Suldaan Cabdiraxmaan.