WAJAALE NEWS

Maxaa kala Haysta roobka iyo Qashinka buux Dhaafiyay Caasimada????

Tan iyo markii ay curteen xili roobaadku ama wakhtiga gugu ayaa caasimada somaliland ee hargaysa u muuqataa lagana dareemi karaa mid qashin badani buux dhaafiyay oo meel walba ay fadhiyaan biyo wasakhaysani  marka loo eego biyaahaas wasakhda ahi waxay ku keeni karaan bulshada caafimaad daro waxa hawshaasi  iyada ah gabay   kana gaabiyay dawlada hoose oo iyadu ku shaqo leh , markii la dooranayay xubnaha golaha deegaanka ee caasimada haargaysa ayaa waxa ay dhamaantood ay balan qaadayeen inay wax ka qaban doonaan caasimada se laakiin waxay noqotay oo isku badashay mid ololaha doorashada lagu galayay loogana danlahaa in la isku soo saaro ama lagu soo baxo codka dadweynaha, waxaana  uu noqday codkii dadweynuhu “hal bacaad lagu lisay” hadaba hadii aynu eegno  nadaafada darada ka jirta caasimada ayaa ah mid aad u daran oo liidata  iyadoo meel walba oo aad martaaba ay biyihii roobku fadhiyaan waxay indhahaagu mar mar qabanayaan iyagoo baco wasakhaysani iyo caagaahada wax laga cabaa ay wadooyinka halbawlahaa u ah  caasimada ay ku daadsan yihiin  taa waxa la odhan karaa  inay dawlada hoose gabtay  hawl maalmeedkeedii ama  shaqadeedii  waayo maaha mid ay dawladu  shaqo ku leedahay waxay tahay inay dawlada hoose ay qurxinta iyo fayo dhawrka ay ka shayso

 

Muuqaalka xag caafimaad ahaan iyo  biyaha dhex wadhan caasimada badhtankeeda

Akhriste  dawlada  hoose ma waxa loo doortay ama aynu u dooranay inay magaac u yaal ay ahaato mise waxa lo doortay  danta dadka  wax ka  abashada arimaha bulshada iyo  fayo dhawrka deegaanka  hadii aynu yara  dul istaagno  dib u dhiska caasimada hargaysa waxa sanadahan danbe ku badan dib u dhiska iyo dib u soo noolaysiinta dhisme caasimadeed iyadoo dawladu ku hawlan inay u ekaysiiso caasimadaha dalka inala jaarka balse waxa iyadu shaqadeedii garan la dawlada hoose  oo  waxba ka bbadalin gurista xashiishka  hadii aaynu muuqaal ahaan eegno siada ay tahay caasimadeenu waad ka niyo jabi waxaanad iswaydiin  lahayd cidii loo igmadaay ama lagu haleeyay cida ay tahay ??

 

 

Muuqaalka  wadooyinka halbawlaha u ah casimada                muuqaalka wasaaradaha uu xashiishku buxdhaafiyay

waxa hadheeyay qashin badan oo aan xadba lahayn oo mel loogu hagaago aan lagaranayn  waxaad marmar arkaysaa qashin ay wadaan xaafadaha iyagoo inta  la  soo wado  dabadeedna  wadada bartan keeda lagu tuurayo waxa is waydiin len maxay dawlada hoose  u samayn wayday meel lagu rido qashinka??

Waxay manta dawlada hoose ee caasimaada hargaysa  garan laadahay oo ay iska indho tiraysaa hawsha  dadku u doorteen maaha kuwii la tilmaami lahaa ee la odhan lahaa waxa nooqabta laakiin waa in ay iyadu ka dawlad hoose ahaan ay isku xil qaamaan  nadiifinta iyo meel u samaynta xashiishka si loogu guro , mudo ayaa ka soo waeegtay markii wasiirka wasaarada arimaha guduhu amray in ma herad walba ay horteeda ay dhigaan  marmar si ay  bilicda caasimadu u qurux badnaato laakiin waxay noqotay taasina mid aan waxbadan laga qaban oo aan dhaga loo dhigin

Caasimadeenii  manta waxay maraysaa inay u ekaato hoy ama goob wasakhaysan oo wada -qashina  loo mana malayn karo caasimada  waxaana la is odhan karaa inay tahay goob xashiishka loogu talo galay mararka qaar waxaad  u malaynaysaa inay  ka qurux badan yihiin gobalada qaar   hadaba Akhriste ayaa waxa ka  badalaaya caasimad sida ay manta u muuqato ?? yaa  umaqan goobtan xashiishka leh

Gabagabadii mawduucaygan waxaan ku soo xidhayaa oo aan leeyahay dawlada hoose ee caasimada hargaysa caasimadii waxay noqotay kudaafad xashiishka lagu guree u sameeya meel ay dadku ashiishka ku guraan oo ka joojiya xashiishka inta la soonwado wado wadada bartankeeda lagu riday

 

Qore:- yusuf yaasiin warsame maxamuud

a.rashiid16@gmail.com

Exit mobile version