WAJAALE NEWS

Dawlada Jabuuti oo Muwaadiniinteeda Ka Soo Daad Guraysay Diridhaba

Diridhaba (WJN)- Dawlada Jabuuti ayaa magaalada Diridhaba ka soo daad guraysay ugu yaraan labo boqol oo ruux oo dalxiis u joogay magaalada Diridhaba, Jabuuti ayaa dadkaas u dirtay diyaarado khaas ah.

Arrintan ayaa timid ka dib markii rabashada Diridhaba ka socda lagu dilay ugu yaraan sagaal ruux oo reer Jabuuti ah.

Rabshadaha Diridhaba ayaa ku salaysan qoymiyado waxaana magaaladaas ku dagaalamay Soomaali iyo Oromo.

Wararka Arrintaas Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Wajaalenews.net

 

 

 

Exit mobile version