Jig Jiga (WJN)- Waxaa soo labo kacleynaya colaadihii u dhaxeeyay qoowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada xilli la filayay in xasilooni lagu soo dabaalo deegaanada dariska ah.
Dhacdadii ugu dambeysay waxa ay dhacday 48-dii saacadood ee ugu dambeysay, waxaana lasoo xaqiijiyay in dad Soomaali ah oo 10 qof ka badan lagu diley deegaanada Baabili iyo Tuli Guuleed kadib markii dad hubeysan oo ka tirsan Oromada ay soo weerareen halkaas.
Meydadka dadkii la dilay oo la keenay magaalada Jig Jiga ayaa waxaa ka dhashay dareen shacab oo aad u xoog badan, iyada oo boqolaal qof oo isugu soo baxay Cisbitaalka hortiisa ay xidheen marooyin guduudan, islamarkaasna ay diideen in meydadkii la aaso illaa laga soo qabanayo dadkii dilka fuliyay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/fadRnOrPpIw