Koron Korro Qabiil Baad
Kobcisaa Dhasheedoo
Koolkoolisaayoo
Ugxanteeda Korisaa,
Muusow Ha Nala Kufin,
Kadaraa Bad Noqotoo
Xilalkiyo Kuraastii
Wad Qaraabo Kiishee
Muusow Ha Nala Kufin,
Hargeysa(W,N) Abwaan Sakariye Saxardiid Axmed (Sakariye Awaare) Oo kamida dhalinyarada hal abuurka ah ee reer Somaliland ayaa maanso cusub oo uu soo saaray ku dhaliilay nidaamka hogaamineed ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Abwaan Sakariye Awaare Ayaa Maansadan ku soo bandhigay habdhaqanka xukuumada madaxwaye muuse biixi iyo sida uu kor ugusii qaaday adeegsiga qabyaalada.
Halkan ka Akhri maansada Muusoow Hanala Kufin;iyo Fariinta Ay Xanbaarsan Tahay;
Nin kadeedan Abidoo
Kulul oo la yaabloo
Karkabaysan baad tee
Muusow ha nala kufin,
Koron korro qabiil baad
Kobcisaa dhasheedoo
Koolkoolisaayoo
Ugxanteeda korisaa
Muusow ha nala kufin,
Kadaraa bad noqotoo
Xilalkiyo kuraastii
Wad qaraabo kiishee
Muusow ha nala kufin,
Kaydk iyo dhaqaalihii
Wad u kaadin weydoo
Kiradiyo cashuurtii
Kuma kaafiyaysoo
Kiish baabad sidataa
Muusow ha nala kufin,
Kelmadahad shubaysee
Kol ba meel u leexdee
Kasha qiiro geliyana
Kaftan baan u haystaa
Ficilkiyo kalaamkii
Wu is keeni waayee
Muusow ha nala kufin,
Kacdoonnaa dhacaayoo
Dhibku kow ba maahoo
Kuma koobna meel oo
Gudahoo karkarayaad
Korna ka handaraabtee
Muusow ha nala kufin,
Kun jeer oo horeetaan
Karkaarrada ka duulnnoo
Kacnay oo istaagnnee
Muusow ha nala kufin.
ABWAAN SAKARIYE SAXARDIID AWAARE