Dunidan sirin siirkaa ee saan-cadku seetada ku xidhay,saakana aan ku suntado miyuu inagu sasabayaa.
Sooyaalka dalkan Jamhuuriyada Somaliland waxaynu ka baranay samo iyo xumaan waxuu ka soo maray labadii gumaysi(Saan-cadkii ingriis iyo kii Xamar).Sooyaalka labaad waxuu inna xasuusinayaa 10kii sano ee aynu dagaalka qadhaadh dalkan kaga xoray-nay gumaysigii madoobaa ee Xamar,hormood kana ka ahaa ururkii SNM.Sooyaalka kale ee uu dalkan Jamhuuriyada Somaliland soo ceshaday jiritaankiisa waxuu inna barayaa sanadahii adkaa ee aynu salka u dhigay-nay nabada,midnimada iyo yagleelida dawladnimo.Waxaynu gaadhnay dhamays tirka saddexda dhar-dhaar ee dawladnimo.Muddadaa 27ka sanadood ah ee aynu dhismaha,horumarka,kobcinta dhaqaalaha aynu shacab iyo dawladba isku tashanay ee aynu gacmaha is-qabsanay aduunku cadaan iyo madaw,gaal iyo muslim ba indhaha iyo dhegahaba way innaga qabsadeen,waxaanay xooga saareen dawlad ku sheega Soomaaliya.Ta keliya ee ay inaga taageereen waa qadhiidhka yar ee ka qayb ah kharashaadka ku baxa doorashooyinka iyo mashaariic fara ku tiris ah,kana qayb ah qorshaha ay u tafaxay teen ee ay dejinta,midaynta iyo kobcinta dhaqaale ee Soomaaliy oo ay inagu tiriyaan.
Hadaba aan taabto halkaan u gol leeyahay,sida caadada inoo ahayd waxaynu ku jirnaa u diyaar garawgii doorashooyinka innagu sool fool leh ee golayaasha wakiilada iyo dawladaha hoose.Waxa hadaba la yaab igu noqotay saan-cadka inoola badheedhaya inuu qalwo innagu rito oo uu talada dalkana gacanta ku dhigo oo aynu u daba fadhiisano sida Xamar.Ma suurta galbaa saan-cadkii aynu saanta shuruudaha kaga qornay qarnigii 18aad ayaa maanta innagu qasbaaya oo sanka inagaga mudaaya inaynu fulino shuruudo ku lid ah siyaasada Jamhuuriyada Somaliland iyo talada dalkan ee berri,badda iyo hawadiisa-ba ilaalintiisa iyo hogaamintiisuba innaga inoo taal.Saan-cadku siyaasadii iyo jihayntii talada Xamar ula wareegay ayuu doonayaa inuu dalkan Jamhuuriyada Somaliland haadaan ka rido oo talo faraheena ka baxdo markuu leeyahay qadhiidhkii aanu doorashooyinka idin siin jiray waxuu xidhan yahay fulinta 3dan qodob:
1.Golaha wakiiladu waa inay ansaxiyaan kootada haweenka.
2.Waa in la xalilaa khilaafka dhex yaal xisbiga Wadani iyo
Komishanka doorashooyinka.
3.Waa in la xalilaa dagaalka Tuka-raq.
Waxa la yidhi (Abeeso dhul u eki ayay ku dishaa),anna waxaan leeyahay Saan-cad sansaan saaxiib-nimo ayuu kugu sumeeyaa.
Talo:
Madaxweynaha,kuxigeenka,golayaasha baarlamanka,xisbiyada qaranka iyo ganacsatada dalka-ba waxaan u soo jeedinayaa.
1.Waa inaad xadh-kahan Saan-cad uu innagu xidhay ku gacan
saydhaan.
2.Waa inaad wada-tashi ka yeelataan inaynu isku tashano.
3.Ganacsatadu waa inay dhabarka u ritaan qaybta kharashka
ugu culus ee ku baxaya doorashooyinka is-barkan.
4.Waa inaad baadi goob taan qorshe ama hab kale oo lagu soo
koobayo kharashaadka dhalan teedka ah ee aynu qabatinay
inaynu ku bixino.
5.Waa inaad Saan-cadka si adag ugu sheegtaan inay joojiyaan
fara gelinta qaawan ee ay hab-dhaqanka iyo hab-socodka
jaan goynta siyaasada iyo talada dalkan jamhuuriyada
Somaliland ku hayaan.
6.Waa inaad si adag ugu sheegtaan 3qodob ee ay saan-cadku
innagu xidheen taladooda iyo go’amadooda-ba inaynu innagu
leenahay oo aanay iyaga u ool.
Waxaan intaa ku kordhinaya waa inaynu ka leexanaa siyaasada laynagu marin habaabiyay ee aynu daba raqlay-nay kuna aadan dagaalkay federal ku sheega Somaliya ay ku haysato qayb ka mid ah dalkan jamhuuriyada Somaliland ulana baxeen dagaalka Tuka-raq,saan-cadkuna inaga hiiliyay una egtahay xuduukiiba inuu noqday Tuka-raq.Waa inay siyaasadeenu ku salays-naataa ta xaqiiqada ku qotonta.Waa inay xukuumada,golayaasha,shacabka iyo warbaahintuba ka guuraan siyaasada dulmiga ah ee lagu tirtiraayo haysashada dhul ka tirsan Jamhuuriyada Somaliland ay Somaliya ku xalaalay-sanayso.Waa inaynu u guurnaa,kana yeelanaa siyaasad cusub oo caday-naysa dhamaan dhulka xuduudka ku teedsan ee ay Somaliya xaqdarada ku haysato,qoraal-na madaxweyne Muse Bixi ugu diraa UN-ta,Eu,Au,iyo dhamaan dalalka aynu xidhiidhka la leenahay,wufuuda dalka timaada iyo warbaahintana aynu adeeg sanaa,lana cadeeyaa dagaalku inaanu ahayn mid inoo dhexeeya Puntland ee uu yahay dagaal federaal ku sheegu innagu soo qaadeen,doonayaana inay sii ballaadh sadaan dhulka ay inaga haystaan.Waa ayaan darro xubno ka tirsan G/wakiilada Jamhuuriyada Somaliland,G/guurtida iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradu inay kala hadlaan ama fariimo u mariyaan warbaahinta maamulka Puntland,waayo falalkaasi waxay xoojinayaan aragtida federal ku sheega inaynu nahay maamul goboleedyo ku dagaalamaya khilaaf dhexdooda ah.Siyaasadeenu waa inay mar walba ku jihays naataa daan daansiga,gardarada badheedhka ah iyo dagaalka qaawan ee ay federal ku sheega Somaliya ku wado gudaha dalkan Jamhuuriyada Somaliland.
Waxaan ku soo afmeerayaa,sinaba yay naan u aqbalin siyaasada taageera yaasha reer galbeedka ee ah aan kuu taliyo ee qaado sanaati aan ku siiyo.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL
badmah100@hotmail.com