Hargeysa (WJN)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu Madaxwayne Muuse Biixi u soo jeediyay in looga baahan yahay in uu ku dhiirado oo aanu ka baqan saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdiqaair Jibriil ayaa waxa uu tilmaamay in dastuurku yahay waxa isku haya umada, waxaana uu sheegay in wakhtigii uu Madaxweyne Muuse Biixi ku jiray ololaha doorashada uu ka hadlay saami qaybsiga, Balse ma garanayno ayuu yidhi cida ku tidhi Madaxweynaha ma taaban kartid.
Dhanka kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil ayaa waxa uu soo bandhigay sida uu u arko xalka lagu dhamayn karo arinta saami qaybsiga, waxaa uu sheegay in ay Xildhibaanada golaha Wakiiladu ay ku dhiiran karaan in waxka bedel iyo kaabis ay ku sameeyaan xeerka saami qaybsiga.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka