WAJAALE NEWS

Waxaan Isku Hayno, Waxa Ina Mideeyaa Ka Weyn. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Hoge-tus aakhiro iyo meesha xaqiiqda ah ee loo socdo hadaan halkaa kaga imaado , Waxa jirta maalmahan danbe in ay umada reer Somaliland.

Maanta  waxaan  u  holadey  dhinaca  Qaranimada  iyo  waxa  inaga  dhaxeeya  hadaynu  nahay  umad-weynta  sharafta, gobanimada  iyo  milgaha  leh  ee  reer  Somaliland,  Walaalayaal  Soomaalidaa  tidhaahda  (Nin  Ilaahey  Eryanayaa  Ma  Dheereeyo), Waxaan  uga  gol  leeyahay  horta  ma  gaabinayno  Rabbina  waxa  uu  inagu  galadey  nimcooyin  fara-badan  oo  dhinac  walba   teedsan  gaashaanka  kaliyaatee  Somaliland  leedahay  waa  (Rabbi  S.W.T), Markaa  ayaaney  inooga  darin  nimcadu  hadii  kale  cadho  Rabbi  ayaa  inagu  habsani  markaasaynu  is  waayi  ooynu  is  doon-dooni, Hadaba  walaalayaal  waa   inaan  ilaashanaa  waxa  ina  mideeya  mana  aha  inaan  isu  gambino  galada  ama  nimcada  aan  nasiibka  u  helay.

Waxa  jirta  maalmahan  danbe  in  ay  umada  reer Somaliland  yara  kala  didsan  tahay  ama  ay  dadyawga  gaarkood  wax  saluugsan  yihiin,  Tabashada  uu  ruux  kastaa  qabo  waxa  ka  weyn  ta  ina  mideysa  oo  ah  Qaranimada  Somaliland,  Muslimnimada,  Wada  dhalashada  Iyo  Isirka  jinsiyadeed,  Hada  looma  baahna  yadoo  dabarkaa  culusi  uu inaga  dhaxeeyo  inaan  si  fudud  isu  kala  gurno  ama  aan  ku  kala  qaybsano  waxaan  macno  buuran  lahayn  midna  ku  darsoo  aduunka  dhamaantii  cid  uun  baa  lagu  liica  ama  tanaasulka  iyo  suluxa  ku  caano-maasha  waa  umada  wax  wada  lehe,  Kuwa  aan  ka  waramayaa  ama  aan  la  dar-daarmayaa  ma,aha  umada  kale  waa  Umada  reer  Somaliland  oo  aan  xasuusinayo  halkay  ka  soo  anba-qaadeen  hirerka  midha-dhalka  taaba-galkiisu  muuqdo  iyo  halkii  markeedii  hore  ay  taagnayd,  Maansha  Allaah  Calaa  Kulu-xaal.Hoge-tus  aakhiro  iyo  meesha  xaqiiqda  ah  ee  loo  socdo  hadaan  halkaa  kaga  imaado ,
Hadaynu  nahay  umada  reer  Somaliland  waxa  inala  gudboon  cabasho  kasta,  saluug  walba,  iyo  tabasho  kasta  inaan  ka  horumarino  Qaranimo  waayo  taasaa  wax  walba  ka  weyn  waa  curada  waxa  inaga  dhaxeeya,  Waxa  jira  dunida  loolan  iyo  is-garab  yaac  dhinaca  nolosha  ama   horumarka  umad  waliba  waxay  u  hirdamaysaa  inay   doorkeeda  banaysato  hadaba  si  aan  doorkeena  u  muujino,  Aan  ka  tanaasulo  wax  kastoo   quwadeena  ama  midnimadeena  kala  kaxaynaya  oo  ay  ugu  horeyso  danta  gaarka  ahi  maxaa  wacay  taasi  inama  kulmiso  inagamana  dhaxeyso  waa  astaanta  dib-u-socodka,  Marka  aan  u  hiilino  waxan  soke  waxa  ka  shisheeya  oo  ah  rajada  mustaqbal  ama  is  baddalka  dabciga  caalamku  ku  shaqeeyo  ee  nolosha  bani-aadamkana   saamaynta  ku  leh,  Muhiimada  koowaad  waxay  tahay  in  shakhsi,  shakhsi  ama  qof-qof  aan  u  dareeno  waajibka  iyo  xilka  ina  saaran.

Waxaad  moodaa  inaan  badan  soo  yara  guud-marey  oo  aanan  hadalka  saafin  ama  aanan  caadayn  waxaan  ka  wado  amuurtani,  Maalmahan  waxa  socday  shir-beeleedyo  ay  qabsanayeen   umada  walaalaheena  oo  reer  Somalilandna  ah  waxaaney  ku  saleeyeen  cabashooyin,  wax  tirsi,  ama  eex  dhinaca  xukuumada  amaba  hogaanka  Qaranka,  Balse  ma  wanaagsana  wadada  loo  marey  waayo  waxaan  samaysanay   Xisbiyo  ama  Axsaab  Qaran  taasaan  wax  ku  qaybsan  karnaa  ma,aha  inaan  ka  been  sheegno  erayada  hal-hayskeena  ah  sida  waxaan  nahay  umad  fahantay  Dimuqraadiyada  iyo  Dawladnimada san  taasina  qaabka  beelnimada  ama  qabaa,ilku  meelna  kama  soo  galaan  waxaan  noqonaynaa  uamad  is  hafreysa  maxaan  aqoonsi  helnaa  oo  aan  horumar  gaadhnaa  soynagan  isla  hadhayna  inagu  ee  mid  mid  isu  gawracayna.

Waxa  loo  baahan  sida  uu  jismigeenu  u  korayo  inay  aragtideenu  u korto  lana  talaabsato  caalamka  iyo  waxaan  doonayno  ee  habeen  iyo  maalin  u daalanahay  oo  ah  inaan  dunida  ka  mid  noqo  sidana  maaha  dawgeedii,  Waxaad  moodaa  inaan  dhaafsanahay   ciriqii  loogu  tala-galey  waxa  taa  u daliil  noqonaya  qaab  fakirkeena  ama  aragtideena  daciifka  ah  ee  marka  kasta  dantii  Qaranka  ka  horeysiinaysa  danta  Qabiilka,  duniduba  qabaa,il  way  tahay  wayna  leedahay  laakiin  kuma   dhaqmaan  dibbadana  looma  soo  saaro,  Maanta  waxaynu  tabaynaa  is  urursi  qaranimo  ee  ma  tabayno  is  urursi  qabiilnimo  waayo  kaasi  meel  xun ayuu  inaga  ridayaa  hadaan  qabiil  ku  heshiino  maalin  walba  sida  basasha  ayuu  isu  dhilayaa  loomana  tag  helayo,  Ee  aan  ku  heshiino  qaranimo  mid  kastaana  ha  ogaado  iney  ka  weyn  tahay  wax  kasta  waxa  ina  mideeyaa.

Waxaan  nahay  qaran  dhameys-tiran  kaasaa  inaga  turjuma  oo  ina  mideeya  ma  jiro  wax kale  oo  ina  mideeyaa,  Umadaha  sooyaalkooda  aan  culuunta  u  haysanaa  wax  kale  kumay helin  waxay  ku  hantiyeen  buun-buunintaa  iyo  iney  aqoon  noqoto  taariikhdoodu  waxay  ilaashadeen  wixii  yaga  ka  dhaxeeyey,  Hadaba  inaga  reer  Somaliland  ahaan  waxa  maanta  inala  gudboon  inaan  aragti  mida  ka  yeelano  waxa  inaga  dhaxeeya  oo  ah  Qaranimada  Somaliland  iyo  wax  wada  yeelashadeena  oo  halka  ugu  sareysaa  ay  tahay  Qaranimo  ilaa  halka  ugu  hoosaysa  yaduun  baa  ina  midaysa  ma  jiraan  wax  kaloo  ka weyn  amaba  labeeyaa,  Hadii  aynu  intaa  fahano  wax  badan  baynu  qabsani  duniduna  way  inoo  istaagi  maxaa  yeelay  qaacido  siyaasiya  oo  caalamiya  ayaa  tidhaahda  (Interail  Policy  Reflect  To  Exteral  Policy), Wax  kasta  oon  doonayno  markaa  waan  hananaynaa  hadii  Eebe  idmo  ee  aan iska  ilaalino  Gorof-wareega.

 

Qalinka:  C/raxmaan    Sayid  Faarax  (Jeesto

Diplomatic  Annlism.

Gabiley/Somaliland.

bdiraxmaanjeesto111@gmail.com

 

Exit mobile version