WAJAALE NEWS

Xirsi Xariiftuuloow Xagle Toosiya Xaal Sii.

Madaxtooyada Somaliland Somaliland oo dhan kama dhex muuqato ama  si dhexe dadku uma galaan oo beelaha qaar wax lagu balamiyaa dadka awoddaku leh in aanay sii daynin, ama aanu ahayn qof Guulwadayntu ku weyn tahay haddii aani Xirsi Xariif Tuule aanu raali gelin iyo amaan isugu darayn ama aanu ka mid ahayn qoyska Madaxtooyada fadhiya ee sidii Boqortooyada wadankiiwadankii oo dhan meel kasta gacanta loo geliyey, hadday Berri iyo Badba tahay.

Tusaale ahaan, Ariportkii Ninbaa keligii iska maamusha oo qandaraasyada soo qaataa oo lacagtaasi Accounta gaar ah ku shubta oo xeerkuu doona u samaystalacagta Aripordada, oo ka dhigtay guri uu leeyahay oo aan cidi waxba weydiin karin.

waxa jirta Wasiirka isna tamarta oo haday shidaal tahay haday macdan tahay

iyo khayraad kaleba isaguna maamusha oo aan cidi la xisaabtamin oo afkiisa ka yidhi aniga sharciga uma hogaansani oo golaha wakiiladu waxba i weydiin karaan ookolba Tv.yada laga arko isagoo sharkado hor leh wax la saxeexanaya ,isaguna la soco waa Dukaan uu leeyahay oo aan cidi wax ka weydiin karin.

Wasiirka Ciyaaraha oo halkii uu gaadhsiiyey Qabyaalada intuu Wasiirka ka ahaa ee ciyaaruhu ku qabsoomi waayeen, ee hadana gobalada qaar ay qabyaalada halka uu gaadhsiiyey ciyaarihii ay ka hadheen oo uu dhalinyaro saaxiibo ahaa uu colaad dhex dhigay oo weli riiqdeedii laga soo kaban la,yahay.

Bal hadaba, Dawladaa qoyska qudha ah ayaa marka ay wasiirada aan qoyska boqortooyada ka mid ahayn wixii lagula heshiiyo ama hawshooda madaxa la iska taaka oo si xor oo xalaal aanay u shaqayn karin ee Xirsi xariif tuulee uu ku furaa carqalad & tushuush, iyo iska hor keen  Wasiirkaasi uu rabo inuu daaqada ka saaro,sida imika Xagla Toosiye laysaga horkeenay odayaashii ka soo kicitimey Bariga S/Land, & Ali Sandule ee laysu qaniinsiiyey, oo uu xagle toosiye lagu hor joogay Burco si aanu ugu talaabin Buuhoodle oo Wasiirada Madaxtooyada ku leh awooda ee reerka ka tirsan ay halkaa ladqabo iyo baryo la dul fadhiyeen

markii dambe Hargeysa ay ku keeneen .

Xagla toosiyana hana ka shifin ee arrinta astur lagu heshiiyey laakiin haddii aan qodaxda laga gurin mar kasta dib u curan karto, oo arrintii uu Wasiirudawlihii hore ee Kayse Cabdi ba ku tegey uu xagla toosiyana uu isna Buuhooda ka soo jeedsan doono.

waayo Madaxtooyada Xirsi oo aan aqoonteed lahayn oo awood aanu lahayn adeegsanaya oo kibirna ku jiro oo isku halayn Odayga iyo Islaanta uu ka haysto ayaa indho la,aan la yidhi jiidh meel walba.

markaa waxaan ku soo gabagabaynaa.

Adoo daranyeeysan Gaajoo haddii deeq Ilaah ku siiyoo, hadaad derajiyo xil qaado daruuraha hadduu ku geeyo Duca la yaboohsadaa, Kibirka waa lagu dumaa Nimcaduu kaa daadiyaayee daraato miyaad iloowday daraato ,Xirsi bal dib u eeg taariikhdaadii Muufadii Roodhida miyaad iloowday, hooy kibirka jooji

bilaahi tawfiiq

Asha Jama <ashaa.j@live.nl>

Exit mobile version