Hargeysa (WJN) – Warshada Fuuraashadda oo ku taalla koonfurta magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Maxamed Mooge ayaa xalay habeen badhkii dab ka qarxay ayna qaybo ka mid ahi gubatay, wallow aanu gaadhin qaybta warshadda.
Ciidamada Dam-damiska iyo ciidanka Booliska ayaaa gurmad balaadhan u fidiyey, waxaanu taliyaha ciidanka Dab-damiska Somaliland Axmed Sawaaxili sheegay inay dagaal ay la galeen dabka ay ka badbaadiyeen inuu sii fidiyo,isla markaana aanu gaadhin qalabkii muhiimka ah, inkastoo qaybta kaydka ama alaabta la dhigaa khasaare soo gaadhay.
“Warshadda Furaashadda waxa ka kacay dab, waxaana sii caawiyey inuu dabku sii bato kimikadda laga sameeyo Furaashadda, waxaanu nimid dabkii oo aad sii badanaya, nasiib wanaaag lix meelood baanu ka soo weerarnay, sidaas ayaanu ku bakhtiinay, warshadii waxba may noqon, intii alaabta la dhigayey uun baa gubatay”ayuu yidhi taliyaha ciidanka Dab-damiska Somaliland Sawaaxili.
Madaxda warshaddan ayaa sheegay in inta badan la badbaadiyey warshadda marka laga reebo wax soo saarkii shalay oo u badan inta gubatay, waxaanay sheegeen inay hore laba jeer oo kale warshadu gubatay oo ay ku shuf beeshay.
Warshadan waa markii labaad ee gubatay, iyadoo wakhtiyaadaasi aanay jirin dab-damis u gurmadda., haseyeeshee xalay la badbaadiyey.