WAJAALE NEWS

Warbixin Ku Saabsan Qiimaynta Adeegyada Caafimaad Ee Magaalada Gabiley!

Meeyay “Talaajaddii Maydka” Iyo “Haamihii Ogasajiinta” Ee Dhakhtarka Wayn Ee Magaalada Gabiley?By Maxamed Mohamed M. Omer,

Hordhac;

Dadka Aan Waraystay Waxay Ahaayeen 32 Qof Guud ahaan. Dadkaasi Waxay Yihiin Bukaanka Dhakhtarka Wayn ee Magaalada Gabiley. Dadkaa waxaa kamida hal (1) qof oo ah Kalkaaliye iyo hal qof (1) oo kamida Waashmaanada Ilaaliya Dhakhtarka Wayn. 30 qof oo ah dadkii aan waraystay waxay ahaayeen kuwa aan u Isticmaalay “Non-Self-Administered-Questionnaire”. Dhinaca kalana, “KII” ayaan u isticmaalay labada qof ee kale soo hadhay. Ujeedada guud ee aan Qiimantan u sameeyay waxay ahayd inaan Qiimeeyo Adeegyada Caafimaad ee Aasaasiga ah ee Somaliland, Anoo Eegaya Kiis Gaara, “Magaalada Gabiley”.

Warbixin;

Dadka aan waraystay waxay kakoobnaayeen 13 (43%) Wiil iyo 17 (57%) Gabdhood oo u dhiganta 30 qof. Isku celceliska da,da dadka bukaanka ah ee aan warraystay wuxuu ahaa: 36.96 Sano Jir. Dadkii aan ka warraystay “Dhibaatooyin Noocee ah ayay Bukaanku La kulmaan”, Laba (2) u dhiganta 7%, qof oo kamida waxay ku jawaabeen, “Maanu fahmin su,Aashaa”. Dhinaca kale, 28 qof oo u dhiganta (93%) oo kamida dadka bukaanka een warraystay waxay yidhaahdeen, “Lacag baanu bixinaa adeeg kasta (Sida Daawooyinka, Buskud Xanaanada, Etc)”. Marka laga Tago Miisaaniyadda ay Degmada Gabiley u qoondaysay Dhakhtarka Wayn ee Magaalada Gabiley, waxaa Daawooyin iyo agab kale keena dhakhtarka Qurba Joogta, Haayadaha Caalamiga ah IWM. Taas macnaheegu waxa weeyi in Agaasimaha Dhakhtar ka, iyo Masuuliyiinta kale sida Maayarka iyo Xog-hayuhu ay Musuq-Maasuq cad iyo Tuugnimo badheedha ay ku suntanyihiin, waxan afka qalaad lagu yidhaa, “Corruption, Embezzlement and Theft” ay ku suntanyihiin. Taas macnaheegu waxa weeyi, Agaasimaha Dhakhtar ka wayni ee Gabiley, iyo Masuuliyiinta kale sida Maayarka, Xoog-Hayuhu waxay ka gaabiyeen hawlihii ay bulshada u qabanayeen. Aa ayaan uga   naxay markaan arkay danyarta bukaanka meesha joogtay.

 

Dhinaca kale waxaan warraystay “Hal (1) Kalkaaliso iyo 1 (Hal) Waashmaan” oo kamida dadkii muhiimka ahaa ee wax ka ogaa arimahan kusaabsan qiimaynta Adeegyada Caafimaadka Aasaasiga”. Kalkaalisadu waxay ku jawaabtay in ay ka qaataan mushahar yar oo aan ku filnayn, taas oo keenaysa in adeega ay bulshada u hayaan ayna sidoodii u fulayn waxa Afka Qalaad lagu yidhaa: (Human Resource Satisfaction). Mid-kamida waashmaanadu wuxuu yidhi, “Waxaan qaadanaa guno yar oon nagu filnayn, ma qaadano wax mushahara”. Isagoo sii wata wuxuu yidhi, “Waxaan qaadanaa 300,000/ Shillinga Somaliland, iyo 35$ oo ah Gunno ah.

Dhinaca kale waxaan warraystay Maxamed Ali Xaydh oo kamida dadka dagan bulshada Magaalada Gabiley. Maxamed wuxuu yidhi, “Mayaalaan Dhakhtarka Wayn ee Gabiley habayaraatee Talaajaddii Maydka Lagu Ridayay” Maxamed wuxuu arinkan ku ogaaday mar uu doonayay in lagu rido Tallaajada Maydka wiilkiisa (Allaa Yarxame) oo dhawaan ku dhintay Ballay Kuyaalla Dooxa magaalada. Miisaaniyaddii 2017 ee Degmada Gabiley waxa ugu jiray in la keeno Dhakharka Wayn ee Magaalada Gabiley “Talaajaddii Maydka”. Taasi waxay caddaynaysaa in lamusuq maasuqay oo lacagtaa si badheedha loo Xaday. Waxaa kamasuula oo lacagtaa lawaydiinayaa Maayarka Degmeda, Maxamed Amiin Cumar Dheere. 95,600,000/ Somaliland Shilling, ayaa ugu jiray “Talaajada Maydka” ee Dhakhtarka wayn ee Degmeda Gabiley miisaaniyaddii 2017.

Anoo ka duulaya (XEER LR. 23/2002) Jamhuuriyada Somaliland

Golaha Wakiilada

Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka JSL.

Xubinta Koowaad (1)

Qodabka 21aad

Waajibaadka Mudanayaasha;

  1. Mudanaha ladoortay waxaa kuwaajibay inuu hormood ka noqdo, horseedo, abaabulo arimaha daryeelka iyo horumarinta bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, laydhka nadaafadda guud iyo IW.M.
  2. Inuu si daacadnimo, xilkasnimo iyo wadaniyad leh u fuliyo waajibaadka iyo xilka ka saaran xubinimada Glolaha Deegaan.

Talo-Bixin ku socota Madaxwaynaha:

Waxaan u sheegayaa Madaxwayne Mudane Muuse Biixi Abdi, “In Sharciga loo hogaansamo, oo loo soo diro Audit Gaara Degmeda Gabiley si dag-dag ah”.

Allaa Mahad Leh

Qoramadii Kowaad Mohamed M. Omer,

Expert in Research, Monitoring and Evaluation,

Gabiley,

+252-634850653.

 

Exit mobile version