Diinteenna Islaamku Waxey na Bareysaa in Gabadha Muslimada ah Afar Waxyaabood lagu Guursado, kuwaasi oo kala ah: Qurux, Qoys Sharaf leh oo ay ka dhalatay, Maal iyo Diin. Haddaba haddaynu mid mid u kala qaadno waa sidan Hoos ku qoran:-
1- QURUX:- Quruxdu in kasta oo ay tahay Shabaqa ugu horeeya ee ay Dumarku Ragga u daadiyaan, haddana Diin iyo Akhlaaq hadaaney la socon, intay Lumiso ayaa ka badan inta ay Hagaajiso. (Ogoow Qurux aan Diin iyo Akhlaaq la socon, wax Faa’ido ah laga Filan maayo).
2- QOYS SHARAF LEH:- Waa wax loo baahan yahay in Dad la garanaayo oo Magac iyo Maamuus leh laga Guursado, (Ogoow Dadnimo Wanaagga waa la iska Dhaxlaa, ee Hubiya Qofka aad Guursaneysaan amaba u Guurineysaan inuu Qoys Wanaagsan ka Dhashay, oo waa Muhiim Hadduu Qofku kugu xumaado waa inaad heshaa meel u raacan kartid, ama Reer Wanaagsan oo aad uga Docwoon kartid).
3- MAALKA: Ninkii gabadh Maalkeed oo keliya u Guursadaa, Ogoow ma doonaayo Gabadha ee Maalkeeda ayuu doonayaa oo uu dan ka leeyahay, iyaduna waxay u Aragtaa Nin ay soo iibsatay. ileen waxaa hore loo yiri: Ninka waxaa Wanaagsan Gabadha uu Guursanaayo inuu Saddex dheer yahay: Da’, Nasab iyo Duunyo, si ayna u yasin. Gabadhana waxaa wanaagsan Ninka ay Guursanayso iney Saddex dheer tahay: Samir, Edeb iyo Suurad wanaag, si aan isaguna u yasin.
4- DIINTA: Gabadha Diinta leh waa tan Garaneysa sida ay u Gudan lahayd Xaqa uu Ninkeedu ku leeyahay, sidey u dhawri lahayd Asraarta Gurigeeda iyo Nafteeda, sida ay Ubadkeeda ugu Barbaarin laheyd Tubta toosan.
Ugu dambeyn maadaama ay Adag tahay sidii lagu heli lahaa Haweeney Afartaas Sifo ee aynu soo sheegnay isku wada leh, waxaa Habboon in Awooda la saaro Qof Diin leh, haddey markaasi Qurux iyo Qoys Wanaag ku darsato waa Alxamdulillaah, haddey Maalkeeda sidatana waa Rabbil Caalamiin.
QALINKII; Mohammed Olad Daily