WAJAALE NEWS

Faallo:Muxu Uu Tahriibay Saxiibkay Rafiiqa Nolasha Wada Lahayn ? W/Q: Suxufi Khadar Hanad

Nolashu waxa ay ku fiican tahay inaad leedahay saxiib kula jecel wanaaga iyo hormarkaaga oo xaalad kasta oo ku soo wajahda kula furdaamiya lakiin hadi aad noqdo qof aan ku kalsonayn hal qof oo aad wada marayn kartaan hagardamooyin badan oo nolasha kasoo wajaha ,

Inkasta oo saxiibtinimado anay ka Maarmin Tashi Iyo Ismaqal Hadana Mid ka mida asxaabta igu qaali ahaa ee aan sannado badan soo wada qadanay rafiiaqa saxiibtinimo ee nolasha ayaa waxa la isoo gaadhsiyay fariin dhiilo xamabrsanayd oo ku saabsanayd saxiibkay waxana la isheegay inuu tahribay oo u maray jidka lugooyada ee dheer ee ay ku gadaman tahay rafaadka saxaraha jidhdilka iyo bimaynta naftaadooda inay maraan badwaynta tagta wadamada yurub,

Muddo laga joogo 4 bilood ayaa waxa la isoo sheegay inuu saxiibkay lagu jidh dil meelka mida wadanka libiya oo ay ka socdaan dagaalo sakooye ee oo horleh oo aan samaxayn ln lagu siiyo xaquuq aad leedahay ama nolashada oo aad badbaado ,dhawacyadadi ka soo gaadhay jid dilka ayaa sababay jabtaanka  Iyo In muddo todabad ah uu ku jiro Koomo Hase ahaate Ilahay Mahadi wuu ka badbaaday markay kasoo wareegtay muddo saddax bilood ah ayaa waxa la isoo sheegay inuu uu fullay doon ku wajahan wadanka talyaaniga oo ka shiraaqatay dalka libiya  aniga oo farta ku haya wadna oo isleh ma badbaadi saxiibka ayaa waxa lasoo sheegay goor habeenimo ah oo goor sheegto ay tilmamaaysay 12:30 Habeenimo Aniga Oo Hurda waxa igu soo dhacay tilifoon iwada dhiilo murugo iyo  geri naxdin badan waxana uu isheegay in saxiibkay geeriyooday ana waan u qaadan wayay waxa dhacday inaan ka kaco goobtii aan jiifay waxa an furay kombuyuuter I ag yaala waxa baadhay facbookise u lahaa saxiibkay mise mid la qoys ah oo ay isku meel ku suganayeen ayaa soo dhigay kalmado adag oo naxdin badnayd oo ku koobnayd ilahay ha u naxriisto  hebel hebal ayaa dhintay oo ay la qorqoontay doon ka shiraqatay liibiya Shalay ,

Se waan u rumaysan wayay waxa aan isku dayay inaan qoyskooda la xidhiidho waxanay ishegeen in uu geeriyooday oo lasoo xaqijiyay waxan ka xasuusta saxiibkay markaan waydiyo saxiib maxad yurub ka donaysa waxa uu odhan iray nolal tan dhanta Ayaan kasoo raadsanayaa saxiib mahee iska jog mise waa naf ku qoran ajasheedu badwaynta u dhaxaysa liibiya iyo talyaaniga,

Geerida saxiibay ee la isoo sheegay waxa uu I ahaa habeen murugo habeen naxidn badan habeen ku suntan Modowga  tarikhdayda ee ku saabsan dhiilooyinki isoo maray waxanan ilaawi karin qimihi uu agtayda ka lahaa waxanan ilaawi Karin misaanki nolaleed ee uu igu lahaa waxanan ka cudur darayaa inaan xuso magaca saxiibkay waxana diidayaa inan xasuusiyo qoyski uu ka baxay ee uu xarashay hantidoo ee saxiibkay iyo hantiidiba iska raceen ,

 Qormooyinkayga danbe ayaan idinku soo socodsiin doona sifooyinki wacna uu lahaa ee igu reebtay xasuusnta maguraanka  ah marka aan maqlo geeri ku saabsan dooni qarqoontay waan xasuusta saxiibkay ilahaw Jannayoonkaaga ugu deeq Mid ka mida.

Mid ka mida asxaabtayda oo todaba sanno aanu soo wada qaadanay waxbarashada iyo saxiibtinimo dheerada ayaa waxa lay sheegay inuu tahriibay isla markaana uu booqalay dhulilka shisheeyay ee gaalaaftay kumanaan dhalinyaro ah,

Saxiibkay waxa uu ahaa mid kusuntan dadnimada ,wanaaga iyo u gargaarida dadka jilicsan maalin maalmaha ka mida ayaa waxa uu isheegay inuu ka baxayo dalka hooyo oo markaasi tahribayo waxa aan usoo jeediyay inuu iska joogo lakiin may surta galin ee wuu ku adkaysatay inuu si wato socdaalkiisa taas ka dib waa uu baxay

 W/Q: Suxufi Khadar Hanad

Burco/Somaliland

Exit mobile version