WAJAALE NEWS

Dagaalka Dekadaha Ee Adduunka!. Prof Cabdi Cali.

“Maan Diidin Heshiiska Dekadda Berbera , Bal Saldhigu Ha Inoo Joogee, Laakiin Mad-madawga Iyo Baqsaadda Ayaan Diidanahay”Prof Cabdi Cali.

“Geelaha Djibouti Oo Risiqiisu Deked Uun Yahay Iyo China Waxay Iyaguna Isla Garteen In Jibouti Ay Noqoto Albaabka Afrika Laga Waraabiyo”Prof Cabdi Cali

Dekedda Jabal Cali ee Dubai waxay ahayd muddaba halbawlaha waraabiya Africa iyo Asia iyo Carabta; Haddaba waxa la soo deristay khatar ka soo bilaabantay Asia, ka dib markii China ay ka dhistay Dekad wayn oo Mega Port ah waddanka Pakistan, gobolka Guadra.

Ninka la yidhaa Geelle Djibouti oo Risiqiisu deked Uun yahay iyo China waxay iyaguna isla garteen in Djibouti ay noqoto Albaabka Afrika laga waraabiyo. Gelle hunguri wax ka wayn la mariyaa wuu dillaacaaye, nimankii Emaratka ayuu indhaha u caseeyay oo caydhiyay markuu arkay isbaddalka istiraatijiyada dekadaha adduunka ee shiinuhu hogaaminayo, kaasoo ku Abtirsanaya dariiqii xariirta ee qadiimka ahaa oo shiinuhu ay rabaan in ay dib u soo nooleeyaan.

Haddii dekadda Guadra ee Pakistan oo Asia ah iyo dekadda Djibouti oo Afrika ahi isku xidhmaan, gacantana u galaan shiinaha, markaa taasi waxay handaraab ku tahay dekadda Jabal Ali ee Dubai; dee ma waxanay inna soo galin-baa nimankii reer Dubai iyagoo ku toosay sanqadhii handaraabka wayn ee shiinuhu u maleegay. Ma waxaanay qolooyinkeenii kitaab gaab ka ahaa ee Xaqal Qalin Group odhan baa waa maxay nibirigan idiin soo caaryay, ma waxanay caantayn ku meherin baa, iyadoo maankooda uu ka maqan yahay sawirkan wayn ee aynu kor ku soo sheegnay; Ilaahaw nimaan waxba ogayn ha cadaabin; Kan yidhaa PHD baan ahayna maxaa ku dhacay?..dadku kaasay aamineen ee kuwa yar-yar waa la ogaa xaalkooda; isagiina halkuu iska casili lahaa wuxu go’aansaday in uu wax la qabo yar-yarka dhib iyo dheefba; taa anigaan ninna waydiinayn!!!

Nimankii Dubai cadhadii waxay bilaabeen aargoosi; waxay bilaabeen in ay cashar adag u dhigaan dawladda Pakistan iyo Djibouti;Siyaasaddii Pakistan ayay dhexgaleen; ninkii Nawad Shariif ayay balaayo ku kiciyeen, musuq-maasuq iyo waxbay ku soo oogeen illaa jeelka la dhigay; mid yar oo ciyaartoy ahna way soo ciyaarsiiyeen.

Geelaha Djibouti, Intay Ethiopia & Eritaria Iyo Berbera u Waydaarteen ayaa Dusha Isagii lagaga Handaraabay Meeshii kululayd ee Djibouti. Jabka danbe ee ay la maagan yihiin ayaa ka sii daran. Mareykan oo China ka hinaasay iyo Sacudiigiina hawsha way la hollinayaan.

Ugu danbayntii Maan Diidin Heshiiska Dekadda Berbera , Bal Saldhigu ha Inoo Joogee, Laakiin Mad-madawga Iyo Baqsaadda Ayaan Diidanahay.

Bal Aan Eegno halkay ku danbayso; Wali Ciyaartu Way Socotaa.

Qalinkii Prof Cabdi Cali Jaamac Abdo; Civil Society Activist; Noolaada; Noolaada.

Exit mobile version