WAJAALE NEWS

Cige Iyo Caraale:Dhowr Siyaasi Ku Sheega Waxaa U Hadhay In Ay Mijilisyo Isu Soo Qaataan

Markaan siyaasi ku sheeg yooyootamaya maqlaba heesta uu abwaanka Axmad aw geedi tiriye ayaan xasuusta.

Cige :Garoy garan daa oo garba cas daa adna giirowka gu weynide guuxa hoosiyo gardarada daa

Caraale: Beri horena heesta riyaha  waad ku heesaysay ee maxaa maantana Jira

Cige: Markaan  siyaasi ku sheeg yooyootamaya  maqlaba heesta uu abwaanka Axmad aw geedi tiriye
ayaan   xasuusta.

Caraale: waar

dheg haw dhigin dimuqraadiyada aye ka mid tah

Cige: Maxaa dimuqraadiyad ah dhalaaxda ayaa la is qaadayaaye

Caraale: haa walaahi waad ka yaqyaqsoonaysa waxay qaarkood ku hadlayaan.

Cige: waxaa u wanaagsanayd in ay oo qaataan mijilisyo sidii reer Xamarka  oo is hor fadiistaan  oo mid
\         waliba ka kale hortiisa ku ciil baxo.

Caraale: waxaa la yidhi isuma noqdaan labadaa isu tiriya.

Cige: xagay isaga noqon  caydiibaa ka dhamaatay,waa sidii  Baytari  jaajkii ka dhamaaday.

Caraale: hadaba maxaa shacabka la gudboon

Cige: qof waliba waa in uu black list saara oo marka uu ka soo hor baxo yidhaa waar waa kii ee inaga du.

Caraale: Somalidu noocaas oo kale geed qudhaanjo leh ayey ku xidhi jireen

Cige: oo ma geed qudhaanjo leh ayaa hadhay ragbaa ku qayilay e

Caraale:  labadoodu waa  isku kiis

Cige: Wax kale odhan maynee Ilaahay ha soo hadeeyo

Mohamed Ali <weerar.2013@yahoo.com

Exit mobile version