WAJAALE NEWS

Dadka Reer Zimbabwe oo u dareeray codaynta doorashada dalkaasi

mugabeHargaysa(WJN):-Dadka reer Zimbabwe ayaa codadkooda ka dhiibanaya doorashadii u horraysay ee dalkaas ka dhacda tan iyo markii xilka laga wareejiyay madaxweyne Robert Mugabe bishii Nofeembar.

Waa markii koobaad ee la qabto doorasho uusan Mugabe ka qaybqaadanaynin tan iyo1980.

Emmerson Mnangagwa oo badalay ayaa isku dayaya in uu doorshadan ku sharciyaysto xilkiisa.

Ninka tunka wayn ee ay is hayaan Nelson Chamisa oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee MDC, kaas oo caan ka ah dhallinyarada dhexdooda.
doorashada ayaa ku bilabmantay jawi aad u deggan oo nabadeed.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Wariye Abdiqadir Habbane

Exit mobile version