WAJAALE NEWS

Bahal Gadh Leh 2 W/Q. Jimcaale Jaamac (Sharcidoon)

Aqoon raadis diimeed ayuu ku soo maray dalal kala duwan xilliyo kala duwan. Maanta, waa caalin wayn oo afarta mad’habood ka jawaaba. Haddii uu awal xaq iyo jihaad u arkayey dagaalkii uu la galay xukuumaddii kalateliska ahayd ee Luggooyo, maanta wuxuu u arkaa shar iyo shuyuus iyo wax aan la soo hadalqaadi karin oo fannacuudu billaah ah. Haddii uu awal ku faraxsanaan jirey kuna faani jirey ka dhalashada qoomiyada soomaaliyeed, maanta uu ka faanaa oo Carab ku dhashay saxaraha abeesadu susumayso, ayuu iskuhaystaa. Haddii uu awal dhulka soomaaliyeed u arkayey hoygii ilbaxnimada aadmigu ku faaftay, maanta wuxuu aamminsan yahay in uu dhulkaasi noqday mid goblan ah oo bahalo iyo boholo ka buuxaan. Haddii uu awal qiimayn jirey afkiisa hooyo, maanta uu qarriibsadaa oo wuxuu ku madhxaa af Carabi. Waligii is muu wayddiin, maxay Carabtu afkooda ugu madhxi waayeen af Soomaali ee malaayiinka Riyaal ugu bixiyaan sidii afkooda iyo dhaqankooda u horumari lahaa, una gaadhi lahaa dadyowga kale ee dunida ku nool? Waligii kamuu fekerin boqollaalka mashruuc ee dhaqan ah, ee siyaasad ah, ee doorin ah, ee carabayn ah, ee faragalin siyaasadeed ah ee dadkiisa lagu fulinayo. Oo muxuu uga fekerayaa sow ma aamminsana in uu mashruucaasi yahay diin faafin iyo nasri ummaddiisa loo soo diray? Khudbaddihiisa uu hadh iyo habeen af Carabiga ku dudubiyo, in uu gabayo iyo xigmado soomaaliyeed ku iidaamo uu ka yaqyaqsoodaa oo jaahilnimo dhago waawayn, ayuu u arkaa. In la addoonsaday oo doonistiisii bulsho iyo tii sii gaar ahaaneed ba xabsi lagu qabbiray, ma ogsoona? Ma isagaa raba in uu ogaado!

Ma aha qof damiirkiisa waddaniyeed nool yahay! Ma aha qof u heelan horumarinta dadkiisa iyo dalkiisa! Ma aha qof wacyigiisa siyaasadeed korran yahay oo ka hadli kara baahida haysta bulshadiisa! Ma aha qof ka dhiidhiyi kara dulmiga iyo dugaagnimada, caddaalad-darrada iyo cuqdada, sedbursiga iyo saqajaannimada, qabyaaladda iyo qaybinta bulshadeed ee siyaasiyiintu ku hayaan dadkiisa maatida ah? Haddii lagu maxkamadeeyo dulmiga iyo dambiga ay galeen madaxdu, in dhibkaas mid ka badani dhacayo, ayuu daliil ka dhigtaa oo dadka ugu khudbaddeeyaa! Fal kasta oo sharcidarro ah oo dhacaya, wuxuu ka jecel yahay in uu nabadgalyo iyo deggaanshiyo ku seexdo gurigiisa! Ifka waxba ku ma laha oo waa u gunnimo, aakhirana waa u xisaab Alle in uu qof kale u addoomowbay oo raalli kaga noqday sharcidarrada uu ku hayo dadkiisa. Nin la lee yahay, muxuu yeelan? Waxba!

Maalin ba maalinta ka sii dambaysa magaciisa iyo muuqiisuba kor ayuu u sii kacayey. Dhammaan dadkii kula noolaa benderka, ixtiraam iyo sharaf ayay u muujiyeen. Masaajid wayn oo badhtamaha magaalada ku dhex yaal, ayuu hoggaanka u qabtay. Madarasad ballaadhan oo masaajidka ku dhajisan, ayaa maamulkeeda loo dhiibay. Waayeelku wax ay wayddiisan jireen in uu Alle uga beryo dambidhaaf, cimridherer iyo caafimaadqab, barbaartuna raatubta iyo tafsiirka ayay ka raacan jireen, hooyooyinkuna wax ay ku ducaysan jireen, in uu ka guursado nin isaga oo kale ah hablaha ay dhaleen.

** ** **

Maalin uu cashar u dhigayey fasal hablo ah, ayuu isha qac ku siiyey inan aad u quruxbadan oo shabbad ah oo ardayad ah.
“Ma ka dhigataa oori saddexaad?”, ayuu naftiisa ku la shawray.
Wuxu go’aansaday cid aan isaga ahayn in aanay helin quruxdaas iyo jalaqsanaantaas u muuqata. Maxaad samaysaa inanta galaaska ku la ma dhex hadli kartidee?, ayuu iswayddiiyey. Farsamo keen oo caqli ku dar! Ayuu go’aansaday.
Cabbaar ayuu fekeray oo maskaxda wareejiyey. Xafiiskii madarasadda ayuu is ku siidaayey. Hore ayuu u sii dhaafay oo galay gudihii xafiiska. Waa qol waasac ah oo yaallaan miis wayn oo dhowr kursi ku wareegsan yihiin oo dhalo kombiyuutar ahi dul taal. Wuxuu lee yahay kabadh muraayad ah oo gudihiisa ka buuxaan faylal, buugaag iyo waraaqo la tuulay. Waxa dhex fadhiya nin keli ah oo dhallinyar ah oo xidhan khamiis, shaayad madow iyo kabo sandal ah. Markiiba kabadhkii ayuu beegsaday oo fayl ay ku kaydsan yihiin macluumaadka ardayda, ayuu la soo booday. Dhan kasta ayuu ka rogay oo si walba uu u walaaqay. Warqad ku jirta faylka ayuu soo gundhiyey. Magaca inanta ayuu raadiyey. Farxad iyo yiddidiilo hor leh ayuu dareemay markii uu isha qac ku siiyey magaca oo ku qoran warqadda. Halkii ay ishiisu u oommanayd ayuu ka biyo cabbay. Waa lambar. Lambar maxaya? Lambar telefoonka inanta. Inta uu si taxader leh u qortay, ayuu dib is ku gu siidaayey fasalkii oo casharka halkiisii ka sii bilaabay.

Wax uu dhammeeyey xiisaddii uu saacadda iyo badhka ku jiray. Qolka nasashada macallimiinta oo ku dhijisan qolka xafiiska, ayuu dalaq yidhi. Koob shaah bigeys ah iyo xabbad roodhi ah oo suugo lagu khabbeeyey ayuu dhuunta is ka mariyey oo dhankaa iyo masaajidka is ku siidaayey.

“Maanta waad faraxsan tahay?”, ayuu mu’addinkii masaajidka oo kildhiga waysada u soo dhaamiyey ku yidhi.
“Akhi fillaah! Haddii ay caqiidadaadu dhisan tahay, farxadi kaama foga”, ayuu ugu halceliyey inta uu cumaamaddii dhabta ku qabsaday, khamiiskiina faytay.
Mu’addinka masaajidku farokutiris ayuu ku hayaa in uu indhihiisa ku arko isaga oo wajigiisu furfuran yahay oo raynrayn iyo farxadi ka muuqato. Maalin kasta wuxuu karhi jirey waji-maxbuusnimadiisa iyo hadal-qallafsanaantiisa. Mu’addinka waxa is ku qaban wayday oo fajac ku noqotay xadiisyada uu dudubiyo ee ka hadla wajifurnaanta iyo debecsanaanta qofka, iyo sida uu u xidhxidhan yahay ee wajigiisa loo ga argagaxayo. Howl uu u diray mu’addinka, haddii ay wax si ka yara noqdaan, hiifid iyo huruuf ayuu ku la dul dhacaa. Markiiba in uu ka caydhin lahaa masaajidka, ayuu aamminsan yahay, se uu xeerinaayo ilmaadeernimada. Oo muxuu u xeerin waayey sow qof ka soo qaatay mashruuca lagu dhisay masaajidka, shirkaddii fulisay, iimaamka masaajidka loo dhiibay iyo mu’addinkuba is ku reer iyo is ku jufo ma aha? Tolnimada iyo ilmaadeernimadu sow wax walba kala ma wayna? Qof aan reerka ahayn ma waxbaa la gu ma aammini karaa?!
Markii uu dadka tujiyey ee uu labo ragcadood oo sunne ahna raacsaday, ayuu kabihiisi oo ku jirey saxarad taal irridka galbeed ee masaajidka holaday oo dhankaa iyo gurigiisa u kacay.

Masaajidka ilamaa iyo isgoyska Juuf oo gurigiisu ka dambeeyo, uu u lugeeyaa oo bas u ma raaco. Sannado door ah sida uu maanta u faraxsan yahay u ma faraxsana. Markii uu guriga soo galay, ayay xaaskiisii labaad u soo dhigtay sinxi bariis ah iyo jeeg sharaab ah.
“Waxan oo cunto ahi waa israaf ee waxa aynnu u baahan nahay cid kale oo ina la cunta”, inta uu ku yidhi ayuu dhan ka galay singixii oo bisinka ku bilaabay.
“Mahad oo dhan Alle ayaa is ka leh”, inta ay ugu halcelisay, ayay mabdakhii is ku siidaysay; si ay ugu soo qaado khudaar ay illowday.
Waligiiba qado noocan oo kale ah uu cuni jirey oo badnaashiyaheeda ma arki jirin, se maanta wax kale ayaa ka dhex hadlaya. Wax maxaya? Inantii uu maanta soo arkay. Wuxuu sawirtay iyada oo uu guursaday oo dhan ka fadhida sinxiga, dhanka kalena ay minwayntiisii ka soo jeedo. Farxad hor leh ayuu dareemay.
Horta, maanta muxuu ku keenay in ay cid kale la cunto qadada? Waligii ma isagaa ka fekeray in uu wax siiyo cid kale? Jaarka ku xeeran, intooda badani waa dan yar duruufo dhaqaale iyo sixir barar isugu darsameen. Is ka ba daa in uu xaaladdooda ka war hayo, ee intooda badan salaanta ka ma qaado. Ragga xaafadda jooga oo qaarkood khamiis xidhan, qaar kalena ay surwaalka hoos uga dhaadhiciyaan gondaha iyo dumarka oonaan xijaab iyo niqaab xidhan, ayuu ku sannifay. Intaas ayaa kalliftay in uu wajiga u madoobeeyo, marka uu isha qac ku siiyo. Wax kale ma jiraan!

** ** **

Toban daqiiqo markii ay ka hadhsanaayeen eedaankii salaadda casar, ayuu indhaha kala qaaday. Inta uu kor u booday ayuu telefoonkiisii gacanta la soo booday.
“Dhalalow! Dhalalow! Dhalalow!”
judhiiba wuxuu wacay lambarkii uu faylka ka soo xaday ee inantu lahayd.
“Haloow!”
“Haa, haloow. Salaamu Calaykum”
“Wa calaykumu salaam! Waa kuma?”, ayay si xanaaqsan ugu tidhi.
Oo maxay u xanaaqi wayday, waligeed ba telefoonka ma ka soo wacay nin aan qoyska ahayn? Daqiiqado farokutiris ah ayay isticmaasha telefoonka gabigiisaba.
“Waa aniga”, ayuu si degan ugu halceliyey.
“Adigee?”.
“Waa macallinkaagii madarasadda!”, ayuu si degdeg ah ugu yidhi.

Alla naxdin waynaa! Ma macallinkaagii madarasadda ayaa ku soo wacay? Talow maxaa jira waligaa kumuu soo wicinee? Howli ma yara! Boqollaal wayddiimood ayaa maskaxdeeda is ku hirdiyey. Wadnaheeda oo dhug dhug haya, ayay dareentay. Dhidid waawayn oo aanay kasayn meel uu ka yimid, ayaa gacmaheedii hafiyey. Iyada oo jaraynaysa ayuu telefoonkii ka dhacay oo dam ku dul yidhi sibidhka oo qolof ba dhan u duushay. Wax riday iyo wax dhacay midna ma oga! Wax ay is aragtay iyada oo shoog haysto. Cabbaar ayay aamustay oo hadal ka soo bixiwaayey. Inta ay yara kambadhuudhsatay ayay dhulka xaabxaabatay oo qoloftii telefoonka oo marmarka dushiisa ku kala firdhisan is ku soo ururisay oo dib u wacday lambarkii u dambeeyey.
“Ma dabka ayaa ka dhacay?”, ayuu wayddiiyey.
“Haa, macallin”, ayay si moogganaan ah ugu halcelisay.
“Maanta casharkii si fiican ma u fahantay?”, ayuu wayddiiyey.
“Haa, macallin”
“Ardayad maskax wanaagsan ayaad tahay”
Talooyin iyo dhiirrigalin wanaagsan ayuu siiyey. Hadallo xigmadaysan ayuu maskaxdeedii ku kala wareejiyey. Wacdi, intii qof loo sheegi karayey ayuu ku dul akhriyey. Masiibooyinka iyo balaayooyinka ka jira magaalada ee dumarka xumaaday ee dhaqankii ka tagay sababta u yihiin, ayuu mid mid ugu dul istaagay. Dumarka aan asturnayn ee ragga dhex booda ee xafladaha iyo aroosyada taga, la saaxibtinimadooda iyo raacistooda ayuu uga digay.
Aad ayey ugu faraxday oo niyaddeedu ugu degtay in uu macallinkeedii soo waco oo talo iyo toosin siiyo.
“Muxaadiro u gaar ah dumarka ayaan galayaa khamiista, miyaanad imanayn”, ayuu wayddiiyey.
“Haa macallin, waan imanayaa?”
“Eedaanka casar marka afka lagu hayo masaajidka diyaar ku ahow; si aad bacda salaadda u la bilaabatid muxaadirada oo ka dhacaysa madarasaddeennna”, inta uu ku yidhi ayuu macasalaameeyey oo telefoonkii jaray. Dam!
Aad ayuu ugu farxay in ay ka aqbasho codsigiisa. Qorshe laabtiisa iyo addinkiisa ku xardhan, ayuu u dhaqaaqay fulintiisa.

** ** **

Saddexdii oo gow ah xilli casarnimo ah oo qorraxdu kulushahay ayay isa soo taagtay irridka masaajidka oo markaas uun la furay. inta ay qaybtii dumarka dalaq tidhi ayay labo ragcadood oo sunne ah tukatay oo is ka tasbiixsatay.
Sidii ay is kaga digrinaysay ayay u soo galeen dumar unug unug u socda oo isdabaguuraya. Inta afartii ragcadood ee waajibka ahaa la wada tukaday, ayaa dhankaa iyo madarasaddii oo ku dhejisan masaajidka loo kacay; si muxaadirada loo dhegaysto.

Makarafoonka ayuu qabsaday. Wuxuu muxaadarada ku bilaabay mawtul-qaflaha sii badanaya. Dadkii in ay wada madhanayaan oo khaatumo xumo ku wada dhimayaan, ayuu farta ku fiiqay. Goorma ayaa innoogu dambaysay iyada oo la ina yidhaahdo hebel baa sakaradaaya ee ina mariya aynnu soo booqannee? Ayuu wayddiiyey dumarkii. Imika waxaas waa la is kala tagay oo mawtulqaflihii ayaa aad u shaqaysanaya oo dadkii farobaas ku haya. Ninkii imika kaa kacay, gaadhi ayaa kala gooyey oo nafta ka jaray, ayaa lagu odhanayaa. Subxaanallaah! Inantii heblaayo wadnaha ayaa laga qabtay, iyada oo cusbitaalka lagu sii wado ayay go’day, ayaa lagugu wargalinayaa. Falciyaadu billaah! Islaantii yarayd ee jaarkiina ahayd oo suuliga ku sii socota oo kildhigeedii laalaadsanaysa, ayaa yara kuftay oo markii la is yidhi soo kiciya la arkay naftii oo ka dhacday. Inaa lillaah wa inaa ilayhi raajucuun! Ayuu kaga qiiraysiiyey dumarkii.
Fajac iyo amankaag ayay ka qaaday muxaadiradii uu shulaaminayey. Hadafkii iyo rejadii ay dunida ka qabtay, jacaylkii iyo quruxdii dunida dhex taallay, in uu afkiisa ku soo gabogabeeyey ayay u malaysay. Wax ay sawiratay dadkeedii oo mawtul-qafle miray. Najaynaa! Inta ay hoos u tidhi ayay kor u boodday oo dhankaa iyo gurigoogii u kacday; si ay uga soo warhesho dadkoodii.
“Inanta maxaa ku dhacay?”, ayay tidhi mid ka mid ah dumarkii la fadhiyey ee dhegaysanayey muxaadirada.
“Malaha jin baa galay?”, ayay ugu jawaabtay mid xijaab xidhan oo bilaa niqaam ah.
Saddex ka mid ah dumarkii fadhiyey qolka ayaa ka daba tow yidhi oo kor ugu qayliyey,
“Waar inanta qabta! Waar inanta qabta! Jin baa galaye”.
Dhallinyaro siddeed ilaa toban ah oo tuban tukaan yar oo u dhaxeeya masaajidka iyo madarasadda, ayaa ka daba cararay. Saddexdii dumarka ahaana way ka daba big yidhaahdeen. Sakadda madarasadda ku dherersan, ayay ka laabeen. Suryo yar ayay yaaceen. Iyada oo lugta hore u yara tuuraysa, ayay ka daba yimaadeen kuraydii oo dhab siiyeen. Way naxday oo fajacday oo kor ugu qayliday,
“Waar maxaad i lee dihiin?”
“Joog jin baa ku galay oo ku jahawareeriyee!”, ayuu mid ka mid ah kuraydii ku yidhi.
Naxdin baa ku habsatay! Shoog baa qabsaday. Hadalkii ayaa ka soo bixiwaayey.
“Inanta dhulka jiifiya oo dhegaha Qur’aan ka ga akhriya”, ayuu soojeediyey mid ka mid ah kuraydii oo gacanta midig is ka laalaadinaya.
“Waar inanta maxaad wayddiinaysaan?”, ayuu oday yar oo dariiqa marayey ku maagay kuraydii.
“Jin baa galay adeer”, ayuu mid kuray ahi ugu halceliyey.
“Oo jinku miyaanu qaylin sow ta yartu aamusan ee argagaxsan ee indhaha kor u taagaysa”, ayuu odaygii yidhi, inta uu isa soo dul taagay.
“Malaha jin aamusan ayaa galay”, ayuu kuray kale oo garan ciyaartoy xidhani yidhi.
“Qur’aan ku akhriya, kaas ayaa ugu kani-adagee”, inta uu odaygii yidhi, ayuu socodkiisii is ka sii watay.
“Inanta cawrada u astura oo marada u soo celiya”, ayay tidhi mid ka mid ah saddexdii dumarka ahaa ee dabacararayey, inta ay soo gaadheen.
“Kaalay na la qabo hadalka badan iskadaayoo”, ayuu ku yidhi mid ka mid ah kuraydii oo labada dhafoor xiirtay.
Madaxa ayay kor u soo qaaday. Wax ay aragtay dad farabadan oo dul taagan iyo qaar kale oo lugaha iyo gacmaha haya.
“Jin i gu ma jiro ee i siidaaya walaallayaal”, ayay si naxariis leh u tidhi.
“Jinkii baa ka dhex hadlaya oo miskiin is ka dhigaya ee ha rumaysanina”, ayay tidhi mid ka mid ah saddexdii dumarka ahaa.
Meel ay joogto iyo si ay wax u socdaan, ayay kala garanwayday. In uu jin galay iyo in kale, ayay kala kasi waday. Wax ay darreentay gacan bowdyaha ka salaaxaysa, haddana mid kale oo naaska iyo badhida ka taabanaysa. Sarakac oo is ka qabo ninkan ku taataabanaya, ayay istidhi. Yaa ka oggolaanaya? Dhulka ayaa lagu xejiyey. Inta ay qaylo iyo oohin is ku dartay, ayay damacday in ay kor u booddo.
“Bakhtiyadani maxay ahaayeen? Waar inanta si adag u qabta oo naf isgaliya?”, ayay amar ku bixisay islaan yar oo dul taagnayd oo ka soo carartay kollay qaad ah oo ku dhow goobta jinka la ga ga saarayey.
Kuraydii labada gacmood ayay ka ga fadhiisteen, qaar kalena labada lugood ayay dhulka ugu xejiyeen. Mid baa inta uu madaxeeda ku qabtay labadiisa gacmood, ayuu mid kale oo ag fadhiyey ku amray in uu dhegta ka ga eedaamo. Sidii ayuu falay!

** ** **

“Innaga oo xaaladdaas khaatumo xumo ku jirna, ayay dumarkiinna dhaqankii iyo diintii ka tageen. Mustaqbalkoodii iyo rejadoodii way burburtay. Qaar baa qaawani iyo dhar khafiifi ah ku maraya badhtamaha magaalada, qaar baa dariiqa dhexdiisa gacmaha iyo dhexda haysta rag, qaar kale ayaa ka daran oo qayila oo suryooyinka magaalada ka soo dhex miliqsanaya. Kuwa waxaas samaynaya waa hablaheennii, waa sharafteennii, waa karaamadeennii. Eeda oo dhan waxa is ka leh waalidka. Oo muxuu u yeelan waayey sow gacantiisa ku ma jirto tarbiyaynta iyo toosinta cunuggiisa? Waalidku haddii uu tarbiyaynta ubadkiisa ku sargooyo diinta Ilaahay, waxani ma dhaceen. Markii uu waalidku ubadkiisa u oggolaatay wax ay naftoodu rabto, ayuu jar ka tuuray oo halleeyey. Maxaa carruur ka buuxda dugsiyo lagu dhigto casharo laga soo munguuriyey gaalo iyo wax aan la kasayn oo far shayddaan lagu malmaluuqay? Maxaa carruur ballooni dheelaysa oo wakhtigoodii ku dayacay? Maxaa carruur hoos yuururta dhalo qudhun ah oo wax aan la kasayn oo fannacuudu billaah ah ka daawanaya? La ma tirin karo!”, ayuu khudbaddii oo uu shulaaminayey saacad iyo shan iyo soddon daqiiqadood, ku soo afmeeray.

Qorshihii uu diyaarsaday, ayuu fulintiisa u dhaqaaqay. Dhankaa iyo xafiiskii maamulka madarasadda ayuu ujeedsaday. Kaddib marka aad muxaadirada dhammaysid, inta aad xafiiska gashid wac telefoon lambarkeeda; si ay kuugu timaado oo danahaaga u gu sheegatid, ayuu qorshihiisu ahaa.
“Dhalalow! Dhalalow! Dhalalow!”
“Halow!Waa ayo?”,ayuu wayddiiyey qof cod raggeed leh inta uu telefoonkii ka qabtay.
“Waa aniga ee meeday inantii telefoonka lahayd?”, ayuu la soo booday.
“Jin baa dardaray oo wax ay jiiftaa isgoyska Maarre”, ayuu ninkii u gu jawaabay.
“Yaa! Jin maxaya?”
“Ma af Ruush baan ku gu la hadlayaa? Jin baa galay ayaannu ku lee nahay?” ayuu ninkii si deg deg ah oo cadho ku jirto ugu halceliyey.
Naxdin waynaa! Ma inantii aad calmatay ee dareenku kuu galay, ayaa la lee yahay jin baa galay? Wax dhici kara ma aha! Jin iyo junuud ba idin gashay idam Alle! Bal wax ay ku lee yihiin eeg? Muxuu jinku ka soo doonayaa inanta sidaas u qurux badan? Bal eeg quruxdeedii! Miskaheedii waawaynaa! Bishimaheedii kuuskuusnaa! Indhaheeda ashqaraarka lahaa! Horta, jinka sow la ma odhan waxa quruxda badan oo dhan ayuu jecel yahay? Ka waran haddii uu jeclaado inanta? Oo ma qof dareen leh baa? Oo sow ka Muslin iyo Gaal ba leh! Maxaa is ka galay dareen, Muslin iyo Gaal? Horta, berigii aad kitaab raacadka ahayd ee masaajidka la idinka kaxeeyey; si aad Qur’aan ugu soo akhridaan inan uu jin dardaray, ee aad qawadeen lacagtii ay idiin soo fidisay islaantii xaafadda joogtay markii aad dhammayseen sodon Jis oo aan nuuxsi iyo nasasho lahayn oo bilaa khushuuc ah, sow la idiin ma sheegin in uu jinku la galmoodo habeen walba inanta? Ka warran haddaba haddii ay xaaladdaas oo kale ay ku sugnaato? Naxdin waynaa. Alla! Naxdin waynaa.
Waxa ku abuurmay cabsi xoog leh. Inan jin dardaray oo goorta ay dhaqaaqayso iyo goorta ay joogayso aan la kala kasayn, ayaad guursan? Ayuu iswayddiiyey. Wuxuu xasuustay maalin uu fadhiyey maqaaxi oo niman dhallinyaro ahi ku sheekaysanayeen, inanta jinka laga saari kari waayo, marka loo guuriyo nin wadaad ah, dib loo gu ma arko jin iyo junuud. Meel aan rabay roob ma iigu da’ay, ayuu isugu maahmaahay. Adiga oo kaliya ayaa jinka ka saari kara sow ma aha? Ayuu iswayddiiyey. Inta uu xafiiskii quful daakhili ah ku rogay, ayuu dhankaa iyo masaajidka u kacay; si uu ugu sugo salaadda maqrib oo afka lagu soo hayo.

 

W/Q. Jimcaale Jaamac X. Muxumed (Sharcidoon). Email. Jimcaalejaamac13@gmail.com.

 

Exit mobile version