WAJAALE NEWS

Aqoonyahan Daraasad Kusoo Bandhigay Baahiyaha Adeegyada Arimaha Bulshada Ee Magaalada Gabiley Iyo Musuq Maasuqa Masuuliyiinta Dawlada Hoose.

GABILEY(W,N) Aqoonyahan Maxamed Xaaji Maxamuud Gadhle oo kamida dhalinyarad Gobolka gabiley islamarkaana aqoon uleh sida cilmi baadhis loogu Daraasadeeyo Baahiyaha Adeegyada Arimaha Bulshada ayaa wuxu daraasad iyo rayi ururin ku sameeyay xaalada ay ku sugan yihiin bulshada kala duwan ee ku ganacsada sariimada maagalada gabiley iyo sida ay uga aradan yihiin waxqabadka dawlada hoose.

Sidoo kale daraasadan ayaa lagu soo bandhigay sida ay masuuliyiinta uu hormuudka ka yahay maayarka magaalada gabiley u lunsadeen dhisamaha sariimadan oo ku jiray miisaaniyadii 2017 iyo dayaca ka muuqda xiligan iyo aragtida ay qabaan bulshada ku ganacsata goobtani,

Cilmi-baadhe Madaxbanaan Oo Qiimeeya Arimaha Bulshada, Dhaqanka, Dhaqaalaha, Iyo Siyaasadda, both Internationally & Local.

Qiimaynta Sariimadda Hilibka iyo Khudaarta ee Xaafadda Laag-Barako, Magaalada Gabiley,

  1. Ujeedada guud ee Qiimayntan:

Inaan qiimeeyo Dayactirka Sariimadda Xaafada Laag Barako ee Magaalada Gabiley,

Anoo ka duulaya Miisaaniyadda 2017.

  1. Anoo sidoo kale ka duulaya Hantidhawrka Qaranka ee dhawaan yimid Degmada Gabiley.

 

2.0. Methodology Section (Hanaanka Cilmi-Baadhis):

  1. Report Findings in brief

4.0. Recommendation (Talo-Bixin):

 

  1. Ku socota Dawladda Dhexe.
  2. Ku socota Dawladda Hoose ee Degmada Gabiley.

 

  1. Report Findings:

 Question one   (Question 1 to 4 waxay caddaynayaan in “Miisaaniyadda 2017” ee “Dayactirka Sariimadda” la Lunsaday)Fasiraad sawiradda “Bar chart” iyo “Pie Chart”:

28 Qof oo kamida dadkii lagawareestay Su, aasha “Dhibaatooyin nooceeya ayay kala kulmaan ganacsatada Khudaarta iyo Hilibku Sariimadda xaafadda Laag Barako ee Magaalada Gabiley” waxay ku jawaabeen, “Dayactir La, aan (sida saqafka sare ee Sariimadda oo darooshimeeya) oo u dhiganta 46%, halka 15 qof yidhaahdeen, “Suulixumo” oo u dhiganta 25%.  Dhinaca kale 13 qof ayaa ku jawaabay, “Nadaafad darro” oo u dhiganta 21%. Ugu danbayna 5 qof oo dadkii lawareestay ay yidhaahdeen, “Magaranayno” oo u dhiganta 8%. Intaas oo dhan waxay si cad inoo tusayaan in la lunsday lacagtaas (300,000,000) Miisaaniyadda 2017, ugu jirtay “Dayactirka Sarriimadda xaafadda Laag Barako ee Magaalada Gabiley”.

Question two:

Dadkii lagawareestay Su, aasha ah, “Kalsooni intee leeg ayay Khudradlayda iyo Hiliblayaashu ku qabaan Maayarka iyo Masuuliyiinta kale in la dayac tiro Sarriimadda xaafadda lag barako ee magaalada Gabiley”  31 qof waxay ku jawaabeen, “Kalsooni Kuma qabno”oo u dhiganta 51%, halka 11 qof yidhaahdeen, “Kalsooni badan” oo u dhiganta 18%. Dhinaca kale 13 qof ayaa ku jawaabay, “Kalsooni yar” oo u dhiganta 21%. Ugu danbayna 6 qof oo dadkii lawareestay kamida ay yidhaahdeen, “Magaranayo” oo u dhiganta 10%. Intaas oo dhan waxay si cad inoo tusayaan in la lunsday lacagtaas (300,000,000) miisaaniyadda 2017 ugu jirtay “Dayactirka Sarriimadda xaafadda Laag Barako ee Magaalada Gabiley”

Question 3

Dadkii lagawareestay Su, aasha ah, “Wali Khudradlayda iyo Hiliblayaashu yay kaheleen balanqaadyo marka loo eego Masuuliyiinta Degmada” 12 qof waxay ku jawaabeen, “Maayarka”oo u dhiganta 20%, halka 22 qof yidhaahdeen, “Xoog-haya” oo u dhiganta 36%.  Dhinaca kale, 27 qof ayaa ku jawaabay, “Waaxda Arimaha Bulshada” oo u dhiganta 44%. Taas waxay caddaynaysaa in Masuuliyiinta Degmada Gabiley ay xataa ka gaabiyeen “Balanqaadyada aan wax ku oolka ahayn”.

Question 4

Dadkii lagawareestay Su, aasha ah, “Balanqaadyo lagu dayactirayo Sariimadda may heleen Khudradlaydu iyo Hiliblayaashu? 6 Qof waxay ku jawaabeen, “Magaranayno” oo u dhiganta 10%. Halka 38 qof yidhaahdeen, “Maya” oo u dhiganta 62%.  Dhinaca kale 17 qof ay ku jawaabeen, “Haa” oo u dhiganta 28%. Taas waxay caddaynaysaa in xataa balanqaadyadii ay Masuuliyiintu galeen ay noqdeen hal bacaad lagu lisay, taas oo sii caddaynaysa in la lunsday lacagtaas (300,000,000) miisaaniyadda 2017 ugu jirtay “Dayactirka Sarriimadda xaafadda Laag Barako ee Magaalada Gabiley”

4.0. Recommendation (Talo-Bixin):

  1. Dawladda Dhexe ee “Somaliland” ee uu gadh-wadeenka ka yahay “Mudane Muuse Biixi”.
  2. In hawshaa loo madax banneeyo Hanti Dhawrka qaranka.
  3. In “Audit” lagaliyo Miisaaniyaddaa 2017 ee Dawlada Hoose ee Maayarka iyo Masuuliyiinta kale lunsadeen. Haddii kale waa dameer iyo dheggiisii.

 

  1. Dawladda Hoose ee Degmada Gabiley:

QALINKII ;AQOONYAHAN MAXAMED XAAJI MAXAMUUD GADHLE

WAJAALENEWS DESK’

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version