WAJAALE NEWS

Wasiirka Maaliyada Oo kormeerkii Madaxwaynaha Daqiiqado Kadib Xilkii Ka Qaaday Midka Mida Agaasimo Waaxeedyada Wasaarada Iyo Sobobta!

HARGAYSA (W.N) Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Mr Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Ayaa Wakhti Yar Kadib Kormeerkii Shalay Ee Madaxwaynaha somaliland ku tegay Wasaarada Maaliyada Isla Markaana Uu kulanka kula Qaatay Shaqaalaha Wasaarada wuxuu xilkii ka qaaday  Agaasimihii Waaxda Baadhista Iyo Dabadagal Wasaarada Mr Kayse isagoo masuul kale u magacaabay Waaxdan.

Xilka qaadista uu wasiirka maaliyadu ku sameeyay masuulkan ayaa ku soo beegmaysa wakhti yar kadib kormeerkii madaxwaynaha  sidoo kale majirto Waaxo kale oo uu wasiirku xilka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay .

Talaabada Wasiirka Maaliyadu qaaday ayaa ku koobnayd uun Agaasimaha waaxda baadhista taasi oo dareeno kala duwan ay kasoo baxayaan habka uu wasiirku usameeyay xilka qaadista iyo arimaha deg dega ee ku kalifay in uu xilka ka qado agaasime Kayse,

Wararka Aanu ka helayno ilo ku dhow dhow wasaarada  Maaliyada ayaa tibaaxaya in  xilka qaadista masuulkan ay ka dhalatay kormeerkii madaxwaynaha  halka xogaha qaarna tibaaxeen in wasiirka maaliyadu qoonsaday su,aal uu madaxwaynaha waydiiyay Agaasimihii hore ee waaxda baadhista oo uu dhib saday wasiirku isagoo wakhtiyar ka dib socdaalkii madaxwaynaha kaga falceliyay in uu xilka ka qaado si cad looma oga su’aasha uu waydiiyay masuulkani madaxwaynaha iyo waxa ay ku saabsanayn,.

Dhanka kale xilka qaadista Agaasimihii waaxda Baadhista  oo wasiirku ku badalay masuul ay qaraabo yihiin ayaa ilo wareedyada qaar tibaaxeen in wasiirku uu talaabadan ku amray madaxwaynuhu iyadoo lala xidhiidhiyay in agaasime kayse xiligii ololaha iyo tartankii Xisbiga kulmiye dhexdiisa uu saaxiib dhow la ahaa shakhsiyaad madaxwaynaha xiligaa siwayn uga soo horjeeday oo ay kamid ahaayeen gudoomiyihii Hore ee Wargayska Dawan iyo Afhayeenkii Hore ee Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.

Halka xogo kale oo arinta xilka qaadista agaasimaha waaxda badhista laga helayaana iftiimiyeen in ay salka ku hayso baadhis iyo dabagalyo uu agaasimaha waxda badhistu ku sameeyay qaarkamida kastamada ugu waawayn dalka ayna kusoo ogaadeen wax isdaba marin baahsan oo ka jirta balse markii wasiirka maaliyada oo cimrada ku maqnaa Dalka  ku soo noqday ee uu arinta ogaaday ay  keentay in uu Agaasimihii waaxda baadhista shaqada ka eryo iyadoo xoguhu intaa ku dareen in maamulayaashan uu agaasimuhu baadhay ay xidhiidh wax iswaydaarsi leeyihiin wasiirka halka qaarkoodna hore loogu wada Helay   masuq maasuq ay kuwada kaceen wasiirka xiligan ee wasaarada maaliyada Ex maamule kuxigeenkii hore ee kastamka kalabaydh,

Si cad looma oga arimaha rasmiga ah ee keenay xilka qaadista agaasimaha waaxda baadhista .

Si kasta ha ahaatee tan iyo intii la magacaabay wasiirka wasaarada maaliyada ayaa markasta oo uu samaynayo magacabista maamulayaasha kastamada iyo agaasimo waaxeedyada wasaarada lagu tilmaamay mid ku samaysan kooxaysi wasaarada dhexdeeda ah iyo ugaadhsiga xubno uu ku eedeeyo in ay wasiiradii hore ee wasaarada maaliyada ka agdhawaayeen, halka masuulkan xilka uu ka qaaday laftiisu uu kamid ahaa waaxda baadhista ee xiligii wasiirka maaliyada ee haatan uu ahaa maamule kuxigeenka kastamka kalabaydh kusoo qabtay musuq maasuqa uu ku kacay wasiirka yuusuf iyadoo ay sobobtay in laga eryo xilkii maamule ku xigeen.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version