WAJAALE NEWS

Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo dib u bilaabmaya

Muqdisho (WJN) – Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka hadlay arrimaha la xidhiidha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo  Somaliland.

Ra’iisal wasaare ku-xigenka ayaa sheegay mar labaad in ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii dowladda Soomaaliya iyo  Somaliland.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka.

Waxaa uu intaa ku daray in la dhageysanayo tabashooyinka Somaliland, isaga oo sidoo kale Maamulada Puntland iyo Somaliland ugu baaqay in ay wada hadal ku dhameeyaan xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq, si hore loogu sii socdo.

Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hore u qorsheeyay in ay wada yeeshaan wada hadal lagu dhameynayo mad madowga dhexdooda ka taagan, inkastoo arrintaasi aysan ka soo bixin wax midho dhal ah.

Exit mobile version