WAJAALE NEWS

Wadadii kali Ahayd Ee Somaliland Iyo Aduunka Isku Xidhi Jirtay Miyay Soo Oodantay?.

Wadanka aynu jaarka nahay ee itoobiya wuxu ahaa mudo 27sano ah wadada kali ah ee somaliland caalamka ku xidha.

Wuxuu ahaa Wadanka kali ah ee somaliland safaarad shaqaysa oo xoogbadan ku leedahay.

Waxay kale oo itoobiya ina siin jirtay deeqo waxbarasho oo meelo badan ah.

Somaliland iyo itoobiya waxay iska kaashan jireen dhanka amaanka, sirdoonka, tababarka militaryga iyo meelo badan.

Hadaba intii uu raysal wasaaraha cusub ee hada mudada kooban jooga itoobiya meesha yimi waxaa la moodaa in wax is bedeleen, siyaasadii tigreega ee ku wajahnayd wadankii la isku odhan jiray somaliyana ay waxbadani iska bedeleen.

waxaa kale oo ay wax iska bedeleen siyaasadii itoobiyadii tigreega ee geeska africa oo dhan ku wajahnayd sida eriteriya, biyaha wabiga nileka ee ay masar isku khilaafsanaayeen iyo waliba dekedaha geeska africa oo uu wadamo badan heshisyo la galay.

Hadaba aby ahmed raysalwasaaraha cusub ee wadanka itoobiya todobaadkan markuu tegay magaalada muqdisho ee caasimada wadanka somalia wuxuu la galay madaxweynaha somaliya heshiisyo aad moodo inay somaliland ka dhanyihiin, madaxbanaanidii somaliland iyo qaranimadeediina aad laysaga indho tiray.

Wasiirka warfaafinta ee wadanka somaliya oo waraysi siyay idaacada afka somaliga ku hadasha ee wadanka maraykanka ku taala VOA wuxuu sheegay in dekedaha iyo wadooyinka heshiiska lagula galay inay dhisto dowlada itoobiya ay ugu horayso dekeda berbera iyo jidka isku xidha wajaale iyo berbera.

Wuxuu kale oo sheegay in ay masuulka yihiin ciida calanka somaliyeed ka taagnaan jiray, itoobiyana ay ku heshiiyeen in wadankastaa wadanka kale madaxbanaanidiisa iyo jiritaankiisa ixtiraamo.

Halkaa waxaan aad uga fahmay ama laga fahmi karaa in heshiisku u eegyahay in itoobiya faraha kala baxdo oo ay aad u yarayso fara galintii ay ku haysay 27kii sano dowladii tigreegu wixii la isku odhan jiray somalia.

Faraha galintaa xataa somaliland ayaa soo galaysa marka sheegashada somalia ee nacasnimada ah la eego.

Taas bedelkeeda waxaa lagu heshiyay sida laga fahmi karo heshiiska in somaliyana ogaden faraha ka qaado oo aanay dib u sheegan.

Waa sida laga fahmi karo heshiiska waayo wuxuu yidhi wasiirku anagu waxaanu masuulka nahay ciida uu ka taagnaan jiray calankii somaliyeed halkaas ogaadeeniya ayaa ku baxday.

Wuxuu kale oo yidhi wadan waliba waa inuu ilaaliyaa madaxbanaanida wadanka kale iyo wada jirkiisa halkaa somaliland iyo cilaaqaadkii itoobiya ee xooganaa ayaa meesha ka baxay.

Emaratka carabta oo ay xukuumada cusub ee itoobiya xidhidh aad u wacan leeyihiin ayay warar hoose sheegayaan inuu heshiiska xamar iyo addis dhex maray waxka ogyahay.

Hadaba maxaa la gudboon somaliland?.

Taasi waa tu u taala xukuumada ay shacabku doorteen ee jamhuuriyada Somaliland.

 

W/Q MOHAMED OSMAN HASSAN,

 

Email: sidiiroon allahayow@gmail.com/ facebook amiir Mohamedwali

 

 

Exit mobile version