WAJAALE NEWS

Weerarka Paris Iyo Dhacdooyinka Bariga Dhexe.

Sannadkii 1916kii wuxuu ahaa sanadkii ay labadii wasiir arrimo dibadeed ee Ingiriiska Iyo Faransiiska ee xilligaasi Sykes(Eng) –Picot(Fran) sida qorsoodiga ah ugu heshiiyeen in ay kala qaybsadaan dhulkii Carbeed ee ay ka talinayeen Cusmaaniyiintu , ka dib markii ay arkeen in ay sii liicayso dawladii Istanbul looga arrimin jiray dagaalkii koowaad ee adduunka, waxaana ka mid ahaa dhulkii ay kala qayb sadeen wadamada bariga dhexe kuwoodii ugu miisaanka weynaa sida Ciraaq , Suuriya , Urdun, iyo Falastiin , iyagoo hore u haystay si dad-ban iyo si toosaba dalalka kale ee Carbeed haday noqdaan gacanka Carbeed marka laga reebo dhulka ay ka abuurantay dawladda Sucuudigu ee Jaziirada Carabta, iyo dhulkii loo yaqaanay Yamanta Waqooyi Sanca.

Intii ay dalalka reer galbeedku dhulkaasi gacanta ku hayeen waxay aad uga shaqayn jireen sidii aysan marnaba dadkaa ay kala qaybiyeen gacantooda uga bixin, horumarna u gaadhin, intii ay gacanta ku hayeena ay u diyaariyeen dad ay ku ilaashadaan, kuwaas oo dalalka badankoodii gacanta ku dhigay markii ay reer galbeedku ciidamadoodii kala baxeen dhamaadkii afartameeyadii ilaa bilowgii todobaatameeyada oo ay wadamada xeebta Cumaan dhulkii loo yaqaanay ku yaalay ay ka kaceen sida Imaaraadka, Qatar iyo Bahrain.

Sidaas oo ay tahay gumaysigu fikirkii ay ku beereen dalalkii Carabeed iyo hantiwadaag lagu ladhay (Shuuciyadda) waxay ahaayeen kuwo ka hawl gala dhamaan dhulkii Carbeed ee ay u kala qaybiyeen 22 dal , waxayna isu badeleen dalalkii Carabeed kuwo ay dhaqaalahooda gacanta ku hayaan sida Khaliijka iyo kuwo ay quudiyaan, iyada oo sidaas ay tahay ayaa xilligii Al-qaacida soo baxdayna reer Galbeedku waxay iskaashiga ugu balaadhan la lahaayeen madaxdii Carbeed sida uu sheegay wasiirkii hore ee warfaafinta Suuriya 2007 Riyaad Nacsaan Aqa, waraysi uu siiyey barnaamijkii Caanbaxay ee Sirri lil-qaaya ee uu Aljazeera ka sii deyn jiray Saxafigii Masriga ahaa ee Yusri Fuudah, waxay ahaayeen gaar ahaan Suuriya xilligaas kuwo u gacan galiya dalka Maraykanka xubin kasta oo xadka Suuriya iyo Ciraaq lagu qabto isaga oo isku dayeya in uu u gudbo dalka Ciraaq si uu halkaasi uga soo dagaalamo, kii ay qabtaan Maraykankuna ee hore waxay dooyaan uga waayaana waxaa loo soo gacan galin jiray Suuriya si marka ay cidiyaha uga guraan, korontana ugu qabtaan uga helaan waxay doonayaan , dibna ugu soo celiyaan Maraykanka.

Iyadda oo ay hore u jireen madax Carbeed oo la shaqeeya reer galbeedka haatana ay buuxaan ayeysan ku qanacsanayn waxay u qabtaan waxayna culays ku saareen in ay fikradaha iyo aragtida reer galbeedka siday tahay u fuliyaan, si wadamo badana looga hirgaliyo waxaa weerar lagu qaaday dalka Ciraaq 2003 waxaana xukunkii laga riday Saddam Xuseen iyadoo la kala diray ciidankii dalkaasi lahaa, xisbigii ka talinayey dalkana kuwana la khaarajiyey kuwana xabsiga laga buuxiyey, waxaana reer galbeedku xilligaasi ku faani jireen in ay Ciraaq ka dhigi doonaan dal dimuqraadi ah, uuna ka raysan doono Saddam Xuseen.

Kacdoonadii ka dhacay dunida Carabta 2010 ee iskood isaga qarxay waxay sii qaawiyeen dhamaan madaxdii Carabeed iyo fikiradihii reer galbeedka ee soo taxnaa tan iyo xilligii la qaybsaday dunnida Carabta , waxayna taasi keentay in ay reer galbeedku mar kale qaadaan talaabooyin aanay ka fiirsan oo keentay in ay Liibiya faragaliyaan Qadaafina weeraraan oo ay ridaan, Suuriyana lagu jeediyey warbaahintii iyada oo xaaladda kacsan ee dunida Carabta looga faa’iideysanayo, hasa yeeshee waxaysan meel fogba ka eegin raggii diyaarsanaa ilaa xilligii Afgaanistaan ee iyagu kana sii faa’iideystay riditaankii Saddam Xuseen, iskaashina ka helay ciidankii iyo saraakiishii Ciraaq ee la kala diray oo meelkasta iyo kaalinkasta buuxiyey , taasina ay cidla dhigtay kuwo badan oo ay reer galbeedku dhex dhexaad u arkayeen iyo kooxo buuxin kara kooxihii ay ka saareen kaalinta, sida ka dhacday dalka Ciraaq oo ay buuxin kari waayeen Shiicadu kaalintii Sunniyiinta Iyo Saddam Xuseen kaga jireen dalka Ciraaq oo xilligaasi ahaa xilligii uu u degganaa dalkaasi.

Suuriya ayaa waxaa markasta hubka iyo dhaqaaluhuba u gacan galayeen xooggag ka soo horjeeda reer galbeedka, waana ta maanta keentay in mawjadaha dadka ahi ay ku soo jabaan qaaradda Yurub iyagoo ka soo hayaamaya Bariga dhexe iyo Afrika, oo ay maanta la tacaalayaan dalalka reer galbeedku qooxitagan tirada badan ee ku soo qulqulaya Yurub.

Shaki kuma jiro waxa maanta ka dhacay dalalka Yurub in ay tahay shirqoolo ay hore uga soo shaqeeyeen gaar ahaan shirqoolkii 1916 oo maanta laga joogo qarni, xaaladda ay ku sugan yihiina waa mid ay gacantooda kaga shaqeeyeen, markii ay sadex dal iyaga oo aanay ogayn waxa ay kala kulmi karaan si toosa u faragaliyeen Suuriya , Ciraaq, iyo Liibiya hubkoodii iyo dhaqaalahoodiina u adeegsadeen, hasa yeeshee maanta ay sadexdii dalba gacanta u galeen kooxo aan cidna naxariis u hayn , xanuunkeediina ay la tacaalayaan maanta Paris, London , Berlin, Iyo Washington.

Waa hubaal nabad galyo xumada iyo qala-laasaha ka taagan Yurub in ay ku timi siyaasad xumida dalalka reer galbeedka ee aan dhinacba la haysan, iyaga oo faro galin xoogan ku haya dunida Carabta oo haddana ku jaahwareeray dhinac ay raacaan, kuwii ay hore xidhiidhka ula lahaayeena si buuxda uma taageeraan, kooxaha dhulka intiisa badana ka taliyana waa la col, diyaaradahoodiina dagaalkay ku jiraan, dalalkoodiina waa qiiqayaan, waa xaaladda ay maanta ku sugan yihiin reer Yurub.

QALINKII ASAD  CADAANI IBRAAHIM

Exit mobile version