WAJAALE NEWS

Shirkii Urur goboleedka IGAD oo Addis Ababa Ka Furmay iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo Ka qayb galay

Addis Ababa (WJN) – Shirka 32-aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa uu ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaas oo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya South Sudan.

Shirkan aan caadiga ahayn oo dib loogu soo nooleynayo wada hadallada Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne K/xigeenkiisa hore Riek Machar ayaa Madaxda IGAD waxa ay dadaal dheeri ku bixinayaan sidii looga midha dhalin lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo shirkan ka qayb galay ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa South Sudan Salva Kiir Mayardit ayaa ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fadhiistaan miiska wada hadallada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay walaalaha South Sudan sidii ay uga bixi lahaayeen kala qeybsanaanta iyo dagaallada, wuxuuna kula dardaarmay in ay labada dhinac fursaddan uga faa’iideeystaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dagaallada sokeeye.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka fa’iideysataan khibradda aan ka barannay Soomaaliya oo dowlad la’aantii iyo colaadihii aan uga gudubnay isu tanaasul, wada hadal iyo is qancin. Waxaan rajaynayaa inaad idinkana jidkaas oo kale qaadaan oo aad dib ugu soo celisaan South Sudan xasillooni, wadajir iyo horumar.” Ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Kiir ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay iyo xasilloonida siyaasadeed ee haatan ka jirta Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay dowladdiisu xoojineyso xidhiidhka ay la leedahay Soomaaliya.

Dhanke kale, Madaxweyneyaasha Suudaan iyo Kenya Cumar Xasan Al Bashiir iyo Uhuru Kenyatta ayaa loo xil saaray in ay sii dardargeliyaan wada hadallada, waxaana dhammaadka bishan kulan kale oo loogu kala dab qaadayo dhinacyadan lagu qabanayaa magaalada Khartuum ee dalka Sudan.

 

Exit mobile version