WAJAALE NEWS

Shaqsiyaad Ay Xukuumadii Hore Siisay Qandaraasyo Sharciga Baalmarsan Oo Ay Xukuumada Madaxweyne Biixi Dib Ugu Fasaxday Iyo Cadadka Dhaqaalaha Loo Siidaayay!!

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo ku Guuldaraysatay Waxka Qabashada Qandaraasyo Ay Sifo Sharciga Baalmarsan Ku Bixisay Xukuumadii Siilaanyo Iyo Magacyada Laba Shirkadood Oo Loo Cusboonaysiiyay Fulinta Adeegyo Ay Gacanta Ku Hayeen,

Hargeisa(W,N):- Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo la Filayey Inay qaado talaabooyin wax ku ool ah oo lagu saxayo islamarkaana dib loogu soo celinayo gacanta dawlada mashaariico iyo qandaraasyo kala duwan oo xukuumadii axmed siilaanyo shaqsiyaad gaar ah ku naasnuujin jiray ayaanay waxba ka ka hirgalin kuwaasi  shacabka somaliland ku rajo waynaayeen in xuukumada cusubi talaabo ka qaadi doonto, Ayaaney jirin ilaa hadda wax talaabo ah oo ay ka qaaday iyada oo Dib  Loogu  ogolaaday in qaarkamida ah shirkadahaasi sii wataan shaqadooda, waxaana ka gadwadeena  Ragg Magaca siyaasiyiinta iyo dhexmarayaasha xukuumadaha  lagu naanayso, iyadoo ay ahayd adeegyadan  inay fuliyaan   haayadihii ku shaqada lahaa oo badankooda xaafiisyadoodu haawanayaan.

Qandaraasyada Sida qaldan  Loo Bixiyey Wakhtii Xukuumadii madaxweyne Siilaanyo ee La Siiyey Shaqsiyaadka Gaara Oo Lagu Naasnuujin jiray  ayaa waxaa kamid ahaa Shirkada GTS oo qandaraas loo siiyey inay Soo Daabacdo Buuga Gaadiidka iyo Warqada Wado Marista ee lagu dhajiyo baabuurta islamarkaana  tilmaanta gaadiidka cashuuran iyo ka aan cashuurnayn, qadaraaskan oo ay ku baxaan malaayiin dolar ayaa waxaa si dadban ugu shaqeysta shaqsiyaad gaar oo aan ku jirin Xayndaabka Dawlada balse wajiyo dadban loogu naasnuujiyo.

Sidoo kale Waxaa iyaduna kamida Shirkadaha yaryar ee la siiyey qandaraasyada Shirkada SAHAL Oo qandaraas ku qaadatay Soo sameynta astaanta Cashuur bixinta ee lagu dhajiyo waraaqaha iyo foojarada lacagta iyo liismada kala duwan ee ay dawladu cashuurto.

Hadaba Wararka Xogogaalka ah ee aanu helayno Arimaha ayaa Tibaaxaya in xukuumada madaxwayne muse biixi u ogalaatay in ay labadan shirkadood sii wadaan qadaraasyadii la siin jiray  iyadoo Xiligan Loo ogolaaday in labada Shirkadood ee kala ah GTS iyo SAHAL,  dib loogu cusboonaysiiyey qadaraasyadaasi islamarkana loo siidaayey lacagihii ay ku fulin lahaayeen qandaraasyadaasi.

Waxaana ilo xogogaal ahi noo xaqiijiyeen In loo Siidaayey labadan Shirkadood Lacag dhan  138,000$ oo Dollar Xaddiga lacagtan oo lagu sheegay inay tahay horumarin ay labadan shirkadood ku qabanayaan hawlahaasi.

Iyagoo sii wadi doona midwalba hawlihii ay gacanta ku haysay,

Shaqsiyaadka Sida Dadban ugu shaqeysta  magacyada shirkadahan ayaa Waxa kamid ah Wakiilna ka ah labadan Shirkadood ee Lagu magacaabo GTS iyo SAHAL  Cali  Aw Xassan Jaamac “Cali Gobanimo” oo ah Shaqsiyaadka Sida Dadban ugu dhex jira Dhinaca Dawlada iyadoo ay jiraan masuuliyiin kala duwan oo u fududeeyey in Qadaraasyadaasi Marlabaad dib loogu ogolaado oo uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland C.raxmaan C.laahi ismaaciil saylici oo ay Saaxiibo Dhow yihiin. Islamarkaana xiligan noqday garoonka ay isku urursadaan kooxii xukuumadii hore qadaan jiray mashaariicda

Sidoo kale  ogolaanshaha Lacagtan 138,000$ dollar ah ayaa la sheegay in uu  qayb laxaad leh ka qaatay fulinteeda Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Somaliland iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, oo fududeeyey sidii ay ugu soo bixi lahayd,

Si kastaba ha ahaatee Dhacdooyinka Noocan ayaa Ku Soo Beegmaya Wakhti bilo Kooban uun uu Xilka hayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  oo Shacabka Somaliland Rajo Weyn Ka Qabeen in sida ugu dhakhsaha badan uu u sixidoono khaladaad faro badan oo ka jiray dhinaca dawlada dhexe, qodobadii ay bulshada Somaliland codkooda kusiiyeena ay kamid ahaayeen in falalka noocan oo kale ee nusqaanta ku ah Dawladanimada iyo Qaranimada uu talaabo ka qaadi doono.

Waxaase Bulshada Somaliland Ay ka Dhursugaysaa Talaabooyinka Uu Ka Qaado Dhacdooyinkan Ragaadiyey Bulshada iyo Qaranka Somaliland Madaxweyne Biixi oo ay ku gadaaman Yihiin Duruufo kala Duwan oo Dalka Jiraan.

 

WAJAALENEWS DESK

XIGASHO GABILEY.NET

 

Exit mobile version