WAJAALE NEWS

Qaramada Midoobey oo ku baaqday in La Joojiyo Colaada Deegaanka Tukaraq

Hargeysa (W,N)- Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday madaxda Somaliland iyo Puntland in ay joojiyaan colaadda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Waxaa kaloo ay Qaramada Midoobay ku boorisay  Somaliland iyo Puntland in ay ciidamada ay kala qaadaan, oo ay wada hadal isugu yimaadaan, iyo in dhammaan dhinacyada ay ogolaadaan galaangalka gargaarka bani’aadannimo.

Labada maamul ayaa loogu baaqay in ay meel mariyaan, isla-markaana ay ka dhabeeyaan ballanqaadkii ay u sameeyeen beesha caalamka, ee ahaa inay dagaalka joojinayaan.

Baaqan ayaa imanaya xilli Somaliland iyo Puntland ay Gobolka Sool ka wadaan abaabul uu midba u muuqda kuwo sii hurinaya colaada.

Exit mobile version