WAJAALE NEWS

Mid kamida Wasaaradaha Dalka Oo Boodhkeeda Ku Lamaanaysay Sawirka Madaxwayne Muuse Biixi!!

HARGAYSA(W,N) Midka mida Wasaaradaha Jamhuuriyada Somaliland  Ayaa  Lagu arkay Arin ku cusub guud ahaan dalka taasi  Boodhkeeda Wajahada hore  ku lamaanaysay  Sawirka  Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,Iyadoo noqonaysa Arin ku cusub  hab dhaqanka Wasaaradaha dalka  oo ay caado u tahay in Sawirka  Madaxwaynaha lagu arko Xafiiska Wasiirka ama Wasiir kuxigeenka iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaarada Balse tani Tahay mid ku soo korodhay.

Wasaaradan Ayaa Ah Wasaarada  Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arimaha  Dastuurka Jsl Oo kamid Ah Wasaradihii Uu Madaxwayne Muuse Biixi  Kusoo kordhiyay dhismaha Wasaaradaha dalka,

Waxaanad Wajahada hore Ee Dhismaha ay ku jirto Wasaaradani ku arkaysaa Boodha Wasaarada oo lagu Lamaaneeyey Sawirka Madaxwaynaha kana barbar taagan ka Wasaarada.

Arinta ayaa noqonaysa mid soo jeedita indhaha bulshada caasimada Isla markaana dareeno kala duwan abuurtay  iyadoo dhinaca kale  banaanka soo dhigtay  hab dhaqanka midka mida Wasiirada Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version