WAJAALE NEWS

Maraykanka oo maaggan inuu ka baxo Golaha Xuquuqal Insaanka Qaramada Midoobay

Hargaysa (WJN)- Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Maraykanku maaggan yahay inuu ka baxo Golaha Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Nikki Haley iyo wasiirka arimaha dibadda, Mike Pompeo, ayaa la filayaa in ay arrintaa shaaciyaan.

Haley, ayaa sannadkii hore ku eedaysay Golaha “inuu si caado noqotay Israel uga eexdo” waxa aanay sheegtay waagaa in Maraykanku ka fiirsanayo xubinnimadiisa golahaas.

Golahan waxa la sameeyey sannadkii 2006-dii waxaana lagu dhaleeceeyaa in ay xubno ka yihiin dalal heerka ay xuquuqal insaanka ka taaganyihiin calaamatu su’aal saarantahay.

Sarkaalkiisha Qaramada Midoobay kama ay hadlin hadalka la filayo in Maraykanku ku shaacin doono ka bixiddiisa golahaas, waxaanu af-hayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric yidhi “waanu sugi oo bal maqli doonaa wixii macluumaad ah ee go’aankaa la xidhiidha ee ka sii hor dhici mayno”.

Talaabadan la sheegayo in Maraykanku qaadi doonaa waxay soo baxaysaa iyada oo dhaleecayn xoog leh lagu hayo siyaasadda maamulka Trump kula gaadhayo waalidka iyo caruurtooda soo galootiga ah ee ka tallaaba xadka Mexico iyo Maraykana u dhexeeya.

 

Exit mobile version