WAJAALE NEWS

Khilaafka Wadamada Khaliijka Oo Laga Digay In Soomaaliya Uu Dhibaateeyo.

Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka qadhaadh ee u dhexeeya dawladaha khaliijka Carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Soomaaliya.

Ururku wuxuu siyaasiyiinta Soomaaliyda Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay kala raacaan dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka taagan sababtoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalaasaha isa soo taraya ee Soomaaliya gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Kolkii Sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xidhiidhka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Soomaaliya taas oo xidhiidh la leh labada dhinacba.

Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wadahadal dhexmara dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka isagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Soomaaliya in ay ka faa’iidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.

Exit mobile version