Shir ay qabatay Google ayaa lagu sheegay in 88 kun oo waxyaabo iyo raadad lagu aqoonsado waxyaabaha ay kooxahan faafiyaan lala wadaagay shirkadaha tiknoolajiyadda si ay uga xidhaan adeegyadooda.
Nidaamkan ayaa waxa uu ogolaanayaa in gabi ahaan la is hortaago in wax lagu daaboco internetka ka hor xitaa inta aanan la daabicin.
Hay’adda loo yaqaano Global Internet Forum to Counter Terrorism – GIFCT ayaa sheegtay in bartilmaameedka la doonayo la gaari doono, kaas oo ah in la xidho illaa 100 kun oo waxyaabaha ay kooxaha argagixisada ku adeegsadaan baraha bulshada ee internetka .
Hay’adan u xil saaran la dagaalanka warfaafinta kooxaha argagixisada ayaa sidoo kale shaacin doonta sifooyin shirkadaha ay isaga hor istaagaan in adeegyadooda lagu faafiyo waxyaabaha markii hore lagu abuuray bogag kale oo aan kuwooda ahayn, islamarkaasna inta badan ay isticmaalaan dadka sameeya waxyaabaha sharci darada ah.
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye Abdiqadir Habbane