WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Haayada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Oo Ka Hadlay Tirada Qoysaska Ku Barakacay Roobabkii Duufaanta Watay Ee Da,ay Xeebaha Somaliland.

HARGAYSA(W,N) Gudoomiyaha Haayada Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) Oo Shir Jaraa,id ku Qabtay Xafiiskiisa Ayaa ka Warbixiyay Halka ay marayso Gurmadkii lLoogu jiray sidii Wax loo gaadhsiin lahaa dadkii ay Waxyeeladu kasoo Gaadhay Roobabkii Duufaanta Watay ee ka Da,ay Xeebaha somaliland oo khasaare laxaadle Soo Gaadhsiiyay Dadka ku Dhaqan Gobolada Galbeedka Somaliland Ee Awdal, Gabiley, iyo Salal.

Gudoomye Xinif ayaa ka Waramay Dadaaladii ay ugaleen samata bixinta dadkan, Wixii Uu indhihiisa kusoo arkay khasaaraha ay roobabku gaadhsiiyeen dadka,ku nool gobolka Awdal gaar ahaan Degnada Lughaya Iyo Gargaara oo uu sheegay In ay ahayd Meelihii ugu Dhimashada iyo ugu khasaaraha Badnaa.

Sidoo kale Gudoomiyaha Haayada Qaxootiga ayaa xusay In Roobab kani ay Baabiyeen Ceelashii Biyaha, Iskuuladaii iyo Dhismayaashii magaalada iyo kuwo miyiba, Isagoo gudoomiye xinif Shaaciyay in dadka ku dhintay roobabkani ay tiradoodu gaadhayso 50 ruux halka ay ku barakaceena 9000 oo qoys

Dhanka kale Gudoomiyaha Xinif ayaa ka hadlay Dadaalo ay xukuumad Somaliland  ugaleen sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyaro tahriibayaal  reer somaliland ah oo ku tabaalaysan jeelashada dalka liibiya dhawaana dalka dib loogu soo celin  doono.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version