Gabiley(W,N) Madax-dhaqmeedka Gobolka Gabiley Ayaa Taageeray Qabsoomida shirka Beelaha Gar-xajis Oo Maanta ka Furmay Buurta Gacan Libaax.
Chief Caaqil Dayib Cabdi ciidle Oo ku Hadlaya Afka madax Dhaqameedka Gobolka Gabiley ayaa Sheegay in ay ka Deegaan Ahaan Taageersan yihiin shirka ay Qabsanayaan Beelaha Gar xajis Isagoo sheegay in Aan Beeshan looga baqay in ay ku kacaan wax Somaliland kasoo Horjeeda isla markaana ay yihiin kuwo Cidkasta Uga Lexejeclo Badan Qaranimada Somaliland.
Sidoo kale Chief Caaqil Dayib ayaa xukuumada Ugu baaqay in ay faro galinta ka dayso Qabsoomida Shirka Isagoo xusay in aanu waxba kaga duwanayn shirkani shirarkii Hore ay soo qabsadeen Beelo badan oo kamida Beelaha Somaliland,
Halkan ka Daawo Muuqaalka Warkan;
https://youtu.be/vADtp6qlcnw
HALKAN KA DHUGO DULUCDA HADALKA CHEIFKA;
https://youtu.be/mAEynh9sEa0