TUKARAQ (W,N)-Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa khasaare culus gaadhsiiyay ciidamadii somaliya ee duulaanka kusoo qaaday iyagoo ka qabsaday saraakiil iyo Taliyihii Aagga Dagaalka Ee Maamulka Puntland General Muxiyadiin Axmed Muuse, oo ay gacanta lagu dhigay kadib markii ciidanka Puntland ee Weerrar kusoo qaaday saaka fadhiisinka hore ee deegaanka Tukaraq Ee Ciidanka Qaranka Somaliland.
Wararka dheeraadka ah ee kasoo baxaya dagaalkii saaka ayaa xaqiijiyay in ciidmada qaranka somalilad ay gacanta ku dhigeen General Muxiyadiin Axmed Muuse oo hogaaminayay ciidanka maamulka somaliya punthland sarkaalkan ayaa ah kii ugu sareeyay ee lagu qabto dagaalka, iyadoo ay xogahani intaa ku dareen in ciidamada Somaliland ka qabsadeen kuwii soo weeraray gadiid dagaal oo tiro badan iyo maxaabiis kor udhaafaysa 40 xabuus oo laga qabtay Ciidanka somaliya ee maamul goboleedka Puntland.
Maxaabiista laga qabtay ayaa ubadan Ciidamadda Badda ee Maamul goboleedka Puntland ee lagu magcaabo Saracen oo dawladda Imaaraadku maal geliyo Iyo kuwa loo yaqaan shahaado la dirirka.
sidoo kale wararka, ayaa sheegaya in fadhiisimadii ay kasoo duleen iyo saadkoodiiba gacanta lagu dhigay Isla markaana dhaawacyo tiro baddan la gaadhsiiyay Cusbitaalka Garoowe, iyadoo uu jirto khasaare dhimasho aad ubadan,
Dhinaca Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa khasaare sahlan soo gaadhay, Isla markaana ay jiraan dhimasho iyo dhaawac fudud , balse Khasaare sahlan ah marka loo eego kuwa ciidamadii soo duulay la gaadhsiiyay ee somaliya Puntland oo iyagu iska soo urursatay deegaano badan oo katirsan somaliya.
Dagaalkan ayaa ah kii labaad mudo gaaban ku dhexmaray Somaliland iyo kuwa huwanta ee somaliya deegaanka tukaraq ee gobolka sool kaasi oo labadii jeerba jabwayn ay gaadhay cidamadii somaliya ee soo duulay,
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM