Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Ibraahim Muxumed (Cali Sanyare) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 02/05/2018, magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi aqoon yahan ah oo ka baxay dalka iyo dadkaba mudo dheerna qarankiisa u hibeeyey aqoontiisa iyo qaybo ka mida wakhtigiisa, isagoo ka mid ahaa waxgaradkii qaybta ka qaatay qarannimada Somaliland, shaqooyin heerarkoodu kala duwanaayeena ka soo qabtay dalka iyo dibeddaba, kuwaas oo uu ugu danbeeyey wasiirkii Wasaaradda qorshaynta qaranka ee wakhtigii xukuumaddii, madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Maxamuud Warsame Jaamac
Afhayeenka Madaxweynaha JSL.